Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka Cusbitaalka Magaalada Hargeysa si lama filaan ah ugu booqday  Nadiifo Maxamed (Col U Joog) oo ah haweenay u ololaysa Nabada iyo sidii xasilooni iyo horumar loo gaadhsiin laaha gobolka Sool. Kadib

markii Khamiistii lasoo dhaafay koox dablay aan la aqoonsani ku toogteen magaalada  Laascaanood, isla markaana dhaawaceeda la geeyay Cusbitaalka Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku booqday  gabadhaa qolka lagu dawaynayay. Kadib markii uu soo galay saaka barqadii  xarunta cusbitaalka,  isagoo aan wadan wax ilaalo ah, isla markaana saaran gaadhi yar, taas oo lama filaan ku noqotay boqolaal dad ah oo waqtigaa ku sugnaa cusbitaalka.
Booqashada Madaxweynaha kadib waxa gabadhaa oo dhaawaceedu culusyahay loo qaaday dhinaca dalka Ethiopia si loogu soo daweeyo, iyadoo diyaarad khaas ah la saaray wax yar kadib markii uu soo booqday  Madaxweynuhu, taas oo  lagaga qaaday dhabaha diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo xaaladeedu kasoo raynaysay, balse dhaawac rasaasta lagala  beegsaday  madaxa oo ka haleeshay Afka dhaawac weyn gaadhsiisay. 

Falka Foosha xun ee tacshiirada lagula beegsaday Nadiifo oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka iyo Dhalaanka Somaliland ee (NOW), isla markaana ah dadka u dhaqdhaqaaqa nabada ayaa la rumaysan yahay inuu la xidhiidho baaqyada nabadeed ee ay   si cad uga hadlaysay mudooyinkii u danbeeyay fowdada iyo xasilooni darada ka jirta halkaa, iyadoo ku baaqaysay in aanay dagaalka iyo qaska ka socda Laascaanood dani ugu jirin bulshada gobolka. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la qaato nabad si horumar loo gaadho, waxaana halku dhegyadii ay ka jeedisay kulamo uu gobolka ka sameeyay Wasiirka warfaafinta Xaabsade ka mid ahaa  hadaladeedii “ Qurbajooga waxaan leeyahay Lacagta aad qoriga iyo rasaasta noo soo siinaysaan waxaad noogu bedeshaan Qalin iyo Buug caruurtayadu wax ha baratee.”
Gabadhaa ayaa hore kooxaha shirqoolada ka sameeya gobolka Sool u dileen Ninkeedii alla hawnaxariistee  Marxuum Maxamed Xirsi (Asad),oo ahaa   Taliyihii Sirdoonka  Gobolka Sool ee Somaliland oo  Goor caraways ah lagu dilay 7 March 2011 magaalada Laascaanood isaga iyo Taliye xigeenkii sirdooonka ee Sool Marxuum Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *