Hargeysa(ANN)Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan ee dhowaan ka go’ay dalweynaha Soodaan  Mr. Salva Kiir Mayardit, ayaa si rasmi ah madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu marrtiqaaday munaasibadda loogu dabaaldegayo dhalashadda

 

dawladda cusub ee Koonfurta Suudaan oo toddobaadka soo socda ee taariikhdu tahay 9 July 2011, ka dhici doonta magaalada Juba ee caasimadda South Sudan.
Warqadda martiqaadka ah ee madaxweynaha Koonfurta Suudaan, isla markaana hore u ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Suudaan uu u soo diray madaxweyne Siilaanyo, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Koonfurta Suudaan uu aad ugu faraxsan yahay martiqaadka uu u fidiyey madaxweynaha Somaliland, isaga oo qoraalkiisa martiqaadka ah ku xusay in shacbiga Koonfurta Suudaan si qadarin qotodheer mudan ay uga dhursugayaan dedaalka aan kala hadhka lahayn ee dawladda iyo shacbiga Somaliland u sameeyeen inay timaado maalintan farxadda leh ee lagu dhawaaqayo dhalashadda dalkii 54aad ee qaarada Afrika.
Qoraalka martiqaadka ah ee madaxweynaha Koonfurta Suudaan u soo diray madaxweynaha Somaliland isaga oo Afsoomaali aanu ku soo turjumay waxa uu u qornaa sidan:-
“Waxaan mudane madaxweyne, ku faraxsanahay in aan kugu wargeliyo in 9 July 2011 ay tahay maalin taariikhi u ah dadka Koonfurta Suudaan. Tan oo soo afjartay muddadii ku-meel-gaadhka ahayd iyo heshiiskii isfamahka ahaa ee Suudaan (CPA) ee Suudaan u riixay siyaasadda tixgelinta mudan. Waa maalin uu dhalanayo dalkii 54aad ee xubinta ka noqda Midawga Afrika oo calankiisa sare loogu taaggo si guul ah, kadib markii aannu ka soo baxnay dagaalkii sokeeye ee ugu mudada dheeraa Afrika, Koonfurta Suudaana waxay hadda gelaysaa waa cusub oo u baryey oo ah nabadgelyo joogto ah, dimuqraadiyad iyo qaranimo masuuliyadi ku dheehan tahay.
Sidaa darteed, aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda Koonfurta Suudaan iyo weliba magacayga gaarka ah, waxa farxad ii ah in aan kaa codsado inaad mudane si qadarin leh shacabkayaga ugala soo qaybgasho munaasibadan qiimaha leh. Shacbiga Koonfurta Suudaan waxay si qotodheer oo qadarin mudan mudane uga dhursugayaan dedaalka aan kala go’a lahayn ee shacbiga iyo dawladda Somaliland ee suurtogeliyey inay timaado munaasibadda maalintani.
Fadlan, madaxweynihii walaalkay ahaayoow iga aqbal damaannada iyo tixgelintayda ugu saraysa, waxaanan aad uga dhursuguyaa joogitaankaaga muhiimka ah ee caasimadda wadanka Koonfurta ee Juba.” Ayuu madaxweynaha Koonfurta Suudaan ku yidhi qoraalka martiqaadka ah ee uu u soo diray madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *