Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilnyo ayaa soo  saaray digreeto  uu gobolka Awdal ugu magcaabay Gudoomiye cusub, iyadoo aan qoraalka meela lagaga xusin in xilka laga qaaday gudoomiyihii hore Maxamed Daahir Cabdale. Qoraalka magcaabista gudoomiyaha cusub ee Awdal oo maanta kasoo baxay
qasriga Madaxtooyada, isla markaana uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada  ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal.”
Sidoo kale Magcaabista gudoomiyaha cusub ee Awdal,  balse laguma sheegin xil ka qaadista gudoomiyihii hore ee gobolkaa. Digreetada magcaabista gudoomiyaha cusub ee Madaxweynuhu waxa uu ku yidhi sidan:-

“Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:              Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:        Baahida loo qabo in badhasaab loo magacaabo Gobolka  Awdal,

Markuu Aqoonsaday:                Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Ku Qancay:      In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Xasan Daahir Xaddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *