Jig-jiga(ANN)Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somaliland iyo koox la socotay ayaa laga afduubay galabta magaalada xuduuda ah ee wajaale, kuwaas oo warar is khilaafsani kasoo baxayaan sababta afduubkooda iyo cida afduubtay. Sida ay sheegeen warar shebekada wararka ee

 

Araweelonews ka heshay ilo wareedyo kala duwan  Kooxdaa  ayaa wadatay mid ka mid ah  gawaadhida Taliyaha Sirdoonka Somaliland oo uu waday dareewalkii taliyaha oo magaciisu yahay Cabdi Maxamed Nuur.
Lama garanayo sababta ilaa hada loo afduubay gaadhigaa Taliyaha iyo dadkii saarnaa oo wararka qaar sheegayaan inay ahaayeen ilaa shan qof oo marka laga reebo dareewalka iyo sarkaalkaa saddexda kale ahaayeen Nin ganacsade ah oo wakiil u ahaa shirakada loolanka ugu jirta inay keento Somaliland xadhiga Caybalka badda ee Dalcom iyo agaasimhii dalada SONYO, kuwaas oo xiliga la afduubay ku sii jeeday dhinaca Jig-jiga oo sida ay xogahaasi sheegeen kasoo qaadayeen dad imanayay, balse ay ciidanka New Police ee Ethiopia gaadiidkii wada joojiyeen kadibna u sheegeen inay gaadhigan rabeen oo ay sidaa ku kaxaysteen gaadhigii Taliyaha Sirdoonka Somaliland. Laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in la soo daayay  Agaasimaha Dalada SONYO.
Saraakiisha dhinaca amaanka ee Somaliland oo aanu isku daynay inaanu warkaa wax ka weydiino ayaa ka gaabsaday  inay wax kala socdaan,balse ilo wareedyo kala duwan ayaa u xaqiijiyay shebekada Araweelonews Afduubkaa, kuwaas oo magaca sarkaalka ku sheegay Maxamed Xuseen.
Dhinaca kale ciidanka amaanka Somaliland ayaa todobaadkan xabsiga u taxaabay shan  nin oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, kuwaas oo ay sheegeen inay si sharci daro ah usoo galeen dalka, isla markaana laga qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale. Talaabadan ayaa xiisad ka abuuri karta labada dale e Somaliland iyo Ethiopia oo waxyaabo baddan oo dhinaca amaanka ah iska kaashan jiray, isla markaana  xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *