westgetemallSomalia(Arraweelo News)  Amiirka Al-shabaab Abu Zubayr Axmed Cabdi Godane ayaa hadal uu maanta soo saaray oo lagu baahiyay shebekaddaha internetka ee taageerad Al-shabaab ku sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta Westgate Mall uu ahaa mid guul usoo hooyay, isla markaana lagu beegay

 

10 maalmood ka dib sanad guuradii 12aad ee kasoo wareegtay weerarkii  11 Sep.
Waxa uu sheegay in ay guulaysteen kooxda weerarka qaaday, isla markaana uu fashiliyay Kenya iyo wadamada reer galbeedka.
Abu Zubayr wuxuu shacabka Kenya usoo jeediyay in ay kala doortaan laba, isagoo yidhi,  “Bulshada reer Kenya waxaan leenahay waxaad gasheen dagaal aan kiina aheyn oo danahiina ka dhan ah, waxaad lumiseen amnigiina iyo dhaqaalihiina, waxaad weydeen wiilashiinii, xasuuqa uu Ciidankiinu ka geystay Kismaayo iyo deegaamada kale qeyb ayaa ka tihiin, maxaa yeelay siyaasiyiinta adinka ayaa doortay, canshuurta aad bixisaan ayaa lagu hubeeyaa Ciidanka Uhuro ee Muslimiinta xasuuqaya,go’aanka dagaalkana waa taageerteen” ayuu Shaykh Abu Zubeyr ku yidhi fariinta uu u diray Shacabka Kenya.

Amiirka Al-shabaab waxa kale oo uu shacabka reer Kenya  u sheegay in dalkoodu aanu awoodin dagaal daba dheeraada oo ay kasii galaan gudaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan u dul qaadan Karin weeraro dhiig bax ah oo dalka Kenya gudihiisa ka dhaca, sidaa darteed wuxuu kula taliyay in ciidamadooda ay kala baxaan gudaha Soomaaliya.

“Maanta go’aan qaata oo ciidankiina kala baxa Wilaayaadka,haddii kale u diyaar garooba dhiig badan oo dhulkiina ku daata, burbur dhaqaale iyo barakac” ayuu Shaykh Abu Zubeyr u diray shacabka reer Kenya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *