Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag uga jawaabay qoraal  uu u soo diray ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Augustine Mahiga, kaas oo uu Mr. Mahiga kusoo qoray weedho quudhsi iyo gef

ku ah qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa u suurtogashay inuu arko laba waraaqood oo ay isweydaarsadeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Mahiga. Danjire Mahiga ayaa Madaxweynaha Somaliland 7 November oo ah bishan aynu ku jirno u soo diray dhambaal uu kaga codsanayo inuu la kulmo wefti ka socday Qaramada Midoobay oo dib u qiimayn ku samaynayay qaabka ay tahay inay Qaramada midoobay hadda ka dib uga hawlgasho gobalka. Sida uu Geeska Afrikaarkay Qoraalkaas uu Danjire Mahiga ku dalbanayay inuu Madaxweyne Siilaanyo qaabilo weftigaas, wuxuu ku socodsiiyey “Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya.”

Ereygaas oo u muuqda inuu yahay weedha damaqaday madaxweyne Siilaanyo, jawaabtiisana uu halqabsiga uga dhigay, isagoo u tilmaamay inuu yahay erey gef iyo edeb darro ku ah shacabka Somaliland ee sida Dimuqraadiga ah ugu soo doortay madaxweynaha oo aanay Mahiga hortii isticmaalin dawladda Somaliland iyo dunida ay xidhiidhka la leedahay midkoodna.

Jawaabta Madaxweynaha

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu qoraalkaas Danjire Mahiga ka jawaabay 20 November, oo ku beegnayd Salaasadii la soo dhaafay, waxaanu si adag uga jawaabay weedhaas uu ergayga Qaramada midoobay qoraalkiisa ku bilaabay. Sida ku cad dhambaalka Madaxweynaha ee uu Geeska Afrikaarkay, wuxuu Madaxweynuhu ugu hanjabay inuu dib u qiimayn doono in xafiiskiisa Hargeysa ee UNPOS uu u taaganyahay danaha Somaliland iyo in kale.

“Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland, waxaan jecelahay inaan saxo ereyga gefka ah ee ku jira warqadaada ee igu tilmaamaya Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya, waa erey ay dawladaydu u aragto inaanu ahayn kii haboonaa. Ereygaasi waa gef iyo weliba edeb darro, iyadoo magacani aanay isticmaalin dawladayada iyo dawlad kale oo nala macaamisha toona.” Ayuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa jawaabta ah, waxaanu isagoo ka hadlaya xafiisksa Mr. Mahiga ee Hargeysa uu yidhi, “Waxaan hadda dib u eegis ku samaynayaa inuu joogitaanka xafiiskaaga UNIPOS ee Hargeysa uu dan u yahay dalka.”

Madaxweynuhu wuxuu diblomaasigan xasuusiyay halganka dheer ee loo soo maray madaxbanaanida Somaliland isagoo ka soo bilaabay wakhtigii gumaysigii Ingiriiska, Midowgii lagu hungoobay ee Somaliya iyo halgankii xorriaydda dib loogu soo celiyay, waxaanu sheegay in madaxbanaanida Somaliland si cad loogu xaqiijiyay aftidii distoorka Somaliland ee sannadkii 2001-kii. Waxaanu xasuusiyay in weedha uu dhambaalkiisa u adeegsaday si cad uga horimanayo shirkii Ingiriiska lagu qabtay bishii Feebarwari oo laga soo saaray baaq lagu dalbanayay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya.

Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqda mid si farshaxan leh loo qoray, waxa kale oo uu ergaygan reer Tansaaniya u tilmaamay in qoraalkiisu si cad uga hor-imanayo dedaalada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo amniga gobalka Geeska Afrika.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo mar haddii uu arkay dhibaatada siyaasadeed ee uu ula soo badheedhay ergayga Qaramada Midoobay oo uu sannad ka hor si adag u difaacay, waxa la gudboon inuu ku noqdo siyaasadiisa arrimaha dibadda oo ay mucaaradka iyo shacab badaniba ku tilmaamaan mid dheel-dheeli badan.
XIGASHO: WARGEYSKA GEESKA AFRIKA

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *