Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle oo ka mid ah culimada Hargeysa, isla markaana hore xukuumaddu xabsiga ugu taxaabay. kadib markii uu sheegtay inuu gudoomiye u yahay

urur-diimeed la baxay  Xisbullah oo aan jiritaankiisa la aqoonsanayn.
Sida ay  shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiisha amaanka Somaliland wadaadkaa ayaa ayay ciidamada amaanku qabteen. kadib markii uu gaadhi Bas ah oo nooca loo yaqaan (caasiga) oo uu ku xidhay mikiroofo kula wareegay magaalada Hargeysa, isagoo ku mbaaqaya in aan loo baahnayn Ololaha doorashada ee ka socda Somaliland iyo doorashadaba. sidaa awgeed uu ku tilmaamay kaanbaynka Ololaha iyo doorashaduba inay yihiin xaaraan.
Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle oo marar hore fagaarayaal uu kala hadlay dadka ka sheegay inuu yahay wakiilka Ururka Al-Qaida, isla markaana dhaleecayn u jeediyay xukuumadda Somaliland ee xiliggan iyo xukuumaddii ka horaysayba, wuxuu mar Khadiib ka ahaa Masjid ku yaal duleedka dhalinta Kacaanka ee magaalada Hargeysa, balse waxa laga wareejiyay masuuliyada Masjidkaa. kadib markii ay xukuumaddu u aragtay inuu khatar ku yahay amaanka iyo xasiloonida Somaliland.
Sidoo kale wuxuu magaalada Hargeysa ka aasaasay Madarasado lagu dhigto quraanka oo uu maamulo, kuwaas oo ku yaal xaafadaha magaalada qaarkood.

Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle, ayaa hada ku xidhan xarunta, ama laanta denbi baadhista  CID-da ee magaalada Hargeysa, iyadoo aanay xukuumadda Somaliland si cad uga hadal xadhigiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *