Hargeysa(ANN)Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay laba Nin oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada. Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen saraakiil

ka tirsan hawlwadeenada madaarka Hargeysa.  Labadaa   Nin ayaa ciidanka amaanku ka qabteen Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport maalintii Jimcihii shalay, kuwaas oo loo taxaabay xaruntunta baadhista denbiyada ee CID.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo  xaqiijinaya  inay labadaa nin xidhiidh la leeyihiin koxaha aragagixisada, balse labadaa Nin oo waqtiga ciidanka amaanku ka qabteen  madaarka hargeysa doonayay inay dalka ka baxaan ayaa mid ka mid ahi u dhashay dalka Eretria, halka ka kalena ay wararku sheegayaan inuu kasoo jeedo Koonfurta Somalia ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidanka amaanka ayaa sheegay inay baadhayaan labadaa Nin oo laga shakiyay, isla markaana  baadhitaankaa ka dib ama maxkamad la horgeynayo haddii ay baadhista kasoo baxaan  waxyaabo  cadaynaya  inay xidhiidh leeyihiin kooxaha argagixisada  haddii kalena xoriyadoodii loo soo celinayo. Dhinaca kale labadaa Nin ayaan ilaa hada si cad loo ogayn meesha ay ka yimaadeen ka hor inta aanay ciidanka amaanku qaban, iyagoo doonayay inay ka dhoofaan halkaa.
wixii kasoo kordha kal soco shebekada wararka ee Araweelonew Mobile
Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *