Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta  ka dhoofay Madaarka magaalada Hargeysa, isagoo  u sii jeeda dalka Britain oo sida uu sheegay uu ku qaadanayo fasaxiisa dastuuriga ah. Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka

 

caalamiga ah ee Cigaal International  Airport ee magaalada Hargeysa saxaafada uga waramay  socdaalkiisa ayaa sheegay in inuu safarkiisu qaadan doono muddo ku siman afar todobaad, wuxuuna waxba kama jiraan ka dhigay warar sheegaya inuu halkaa kaga qaybgelayo shirar Soomaali weyn .
“Waxaan safar ugu baxayaa dalka Ingiriiska oo aan fasax u tagayaa muddo afar todobaad  ah ayaan  ku maqnaan doonaa, wax shirar ah oo aan ka qeyb galayaa oo la iigu yeedhay ma jirto sida dadka qaarkood yidhaahdaan waxba kama jiraan arrintaasi fasaxaasi ayaan u tagayaa,”ayuu yidhi.  Madaxweyne Siilaanyo.
Basle waxa uu xusay inaan safarkiisu ka madhnayn kulamo uu la yeesho madaxda dalka Britain iyo bulshada Somalialnd eek u dhaqan halkaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Haddii aan tagase waa iska caadi inaan dalka aan tagayo madaxdiisa wax ka arko iyo inaan bulshada reer Somaliland ee halkaa ku dhaqan la kulmo oo dadka wixii dano inagaga xidhan yihiin aan kollayba kulamo yeelano.”

Madaxweyne Siilaanyo  waxa uu sheegay inuu ku sii hakan doono dalalka Djibouti iyo Ethiopia isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi,  “Inta ka horaysa waxaan sii marayaa dalka Itoobiya iyo Jabuuti oo aan ku sii hakan doono jabuuti maanta oo qudha ayaanu joogna. Itoobiya inaanu iyadana masuuliyiin iska aragno ayaa laga yaabaa waxaanan ka wada hadli doonaa danta Somaliland uun wax kale oo aanu u soconaa ma jirto.”
Socdaalka Madaxweynaha Somaliland, waxa   ku weheliya Marwadiisa Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana Madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Haya’ddaha  dawliga ah ee xukuumadda, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo intuu aanu ka dhoofin madaarka hargeysa salaam sharaf kaga sii qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *