Kooxda Al Shabaab Hargeysa(ANN) Masuuliyiinta Al-shaabaab ayaa ku hanjabay in haddii dawladda Kenya joojin weydo faragelinta dhinaca Milateri iyo duqaynta ay ku hayso dekeda Magaalada xeebta ah ee Kismaanyo ay weerari doonaan Kenya oo ay hantida iyo qaniimada taala Nairobi soo guran donaan. Sidaana

 

waxa ku dhawaaqay Sh. Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo maanta la hadlayay kumanaan qof oo isagu soo baxay banaanbax ka dhacay Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

 

Sidoo kale  Banaanbaxyo  lagaga  soo horjeedo soo gelitaanka ciidamada Kenya ayaa ka dhacay inta baddan magaalooyinka koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ee ay Al-shabaab ka taliyaan. Sida Magaalooyinka Ceelbuur, Beledweyne, Jowhar iyo Marka oo  dadka isku soo baxeen.
Deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa dad isugu soo baxay waxaa  meel fagaare ah la hadlay dadka Muqtaar Roobow iyo Xasan Daahir aways.
Muqtaar Rooboow wuxuu sheegay in la weeraro dalka kenya hadii Kenya ay joojin waydo duqaynta ay ku wado dekada magaalada Kismaayo, iyo in hadii uu xidhmo ganacsiga magaalada Kismaayo ay Al-shabaab lacag u doonan doonto waddanka Kenya.
Wuxuu ka hadlay Roobow weerarada Kenya oo uu yidhi,  bambo yar oo la tuuraa waxba maahee waa inqaraxyo waaweyn laga fuliyaa Kenya, wuxuu kaloo ka hadlay khilaafka madaxda TFGda ee soo gelitaanka ciidamada Kenya, iyadoo ay masuuliyiinta dawladda taagta darani isku khilaafsan yihiin soo gelista ciidamada Kenya ee badhtimihii Oct, 2011, taas oo muran siyaasadeed ka dhex abuurtay Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia iyo raysal wasaarihiisa.
Dhinaca kale Ciidamada militeriga Mareykanka ayaa bilaabay inay ka soo duuliyaan diyaaradaha sahanka ee aan cidina wadin dalka Ethiopia, iyaga oo kordhinaya dagaalka lagula jiro Al-shaab.  Dayaaradaha  aan cidina wadin ayaa kasoo kacaya saldhig ku yaalla magaalada dhinaca koonfurta Ethiopia ku taal ee Arba Minch. Iyadoo Marakab kuwa dagaalka oo dalka faransiisku leeyahay, isla markaana xanbaarsan gantaalaha khatarta ah uu hada gaadhay dekada Magaalada Kismaayo, kaas oo qayb ka ah duqaynta diyaaradaha Kenya iyo ciidamada Maraykanka ee Somalia.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *