IMG_0431

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa sheegay in aanay dawladiisu diyaar u ahayn waqtigan  inay ka qaybgalaan shirka arrimaha Somalia ee la filayo in lagu qabto dalka Britain

 

bisha May ee sanadkan 2013, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid lagu casumay dawlada Somalia.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayay  oo mudo dhan maalmood ah booqasho shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa manta dalka dib ugu soo laabtay, iyagoo kasoo degay dhabaha diyaaradaha ee Egal International   Airport ee Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo  oo  saxaafada la hadlay markii uu kasoo degay Diyaarada isaga iyo wefdigiisu saaraayeen ayaa ka hadlay natiijada safarkiisa  iyo  waxyaabaha ay kala kulmeen Masuuliyiinta dawlada Turkiga, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Marka hore waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay in aniga iyo weftiga ila socdaaba anaga oo nabad qabna dalkii hooyo ku soo noqono isagoo  nabad qaba. Dalka Turkiga ayaanu aniga iyo weftiga ila socdaaba safar shan cisho ah ku tagnay, . Wuxuu ahaa safar taariikhi ah, iyadoo ay ahayd markii ugu horaysay ee Madaxweyne Somaliland ahi dalkaa tago.

Madaxda wadankaa  intooda badan waanu aragnay, waxaana ka mid ahaa kuwii aanu la kulanay Raysal wasaare Ku xigeenka, Wasiirka Khaarajiga iyo Wasiirka Macdanta iyo tamarta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo wuxuu  xusay in xaalad caafimaad oo soo waajahday raysal wasaaraha Turkiga ay sababtay in ay suurta gal noqon weydo inay la kulmaan, isagoo yidhi, “Raysal wasaarihii ayaan darro wakhtigii ugu dambaysay ayuu xunuun ku dhacay lama filaan ahi oo way noo suurto-geli wayday inaanu la kulano, laakiin madaxdii kale oo dhan baanu aragnay. “

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inay wax badan ka wada hadleen madaxdii ay la kulmeen ee dalka Turkiga, isagoo yidhi, “Madaxdii aanu la kulnay ee aragnay, waxaanu uga waranay dalka xaalkiisa, taariikhda inaga dhaxaysa iyo waxyaabaha badan ee ay inala qaban karaan. Wefti Wasiirro ah oo naga sii horeeyayna way jireen.

Waxaanu ka wada hadalnay arrimaha tacliinta, caafimaadka, biyaha iyo horumarkaba. Wada hadal fiican baa na dhex maray, waxaanu ku balanay inay waxyaabo badan oo ay inala qaban karaan aynu ka wada shaqeyno oo ay wax inagala taageeraan dal ahaan.  Inshaalaahu waxaanu rajaynaynaa inay si dhakhso ah wufuudi inooga iman doonaan Turkiga.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

wuxuuna  sheegay  inuu rajaynayo  oo ay ka  wada hadaleen sidii mar walba loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan iyo inay Somaliland dalka Turkiga  ka furato cid ilaalisa maslaxadeeda iyo danaheeda, wuxuuna ishaaray inuu rajaynayo  inuu safarkaasi noqdo mid midho dhala oo wax badan oo faa’iido ah dalka iyo dadkaba u soo hooya.

Madaxweyne Siilaanyo  oo la weydiiyay sida uu u arko war lagu daabacay warbaahinta Somaliland ee maxaliga ah oo la sheegay in laga soo xigtay  mid ka mid ah wargeysyada Turkiga  oo aan la magcaabin, kaas  oo  sheegayay  in xukuumadda Somaliland ay xidhiidh la leedahay Al-shabaab, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in aanay arag warkaa meel lagu qoray iyo cid hadal haysa, isagoo yidhi,  “Waxay ila tahay arrintaasi inay tahay hadal aanay waxba ka jirin. Madaxda Turkigu ma qabaan inay Somaliland Al-shabaab  xidhiidh  la leedahay, nalamanay soo qaadin Somaliland iyo Al-shabaab xidhiidh ay  leeyihiina ma jiro.

Somaliland iyadaa u dagaalanta madax banaanideeda iyo qaranimadeeda,  Iyadaa la dagaalanta argagixisadda iyo budhcad badeeda oo qaar badan oo ka mid ahi u xidhan yihiin.  Arrintana wax hadal haya iyo meel lagu qoray midna ma aanu arag.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay wax ka jira warar sheegaya in dawlada Qatar ay doonayso inay kaalin ka geysato wada hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Qatar wax naga soo gaadhay iyo wax nooga yimi midna ma jiro, wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wax muddo badan socday ayay ahaayeen meelo badan ayaa laga soo hadal qaadaa, laakiin wakhtigan xaadirka wax barnaamij oo noo socdaa ma jiro, ka Ingiriiska lagu qabanayo ayaa ugu dhawaa, kaasna waanagii nidhi marti-qaad dawladda Soomaaliya loo sameeyay weeye, marti-qaad Soomaaliya loo sameeyayna anagu ka qayb gali mayno shaqana kuma lihin, marka qodobo laga wada hadlayo oo gooni ahi ay yimaadaan, markaa xageeda ayaa laga wada tashan doonaa Insha Allah.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wax laga waydiiyay shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay deegaanadaa galbeedka Somaliland waxa uu yidhi. “Dalka waan ka maqnaa arrimahaasna, markaa Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sii joogay, dawladdu way ogtahay kolay halkaas dhibaatooyin way ka taagnaayeen, marka walbana  dawladdu waxay ku dedaalaysaa sida ugu wanaagsan ee nabadgelyo lagu helayo oo dadka iyo dawladdu is-afgartaan, shacabka iyo dadka meel wada joogana la is-fahamsiiyo, iyadoo mar qudha natiijadii doonarashada ka soo baxday daawaynteeda mooyee aan doorasho lagu noqonayaa jirin, mar walba sidii dimuqraadiyadu ina fartay ciddii doorasho ku hesha ayuun baa leh.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *