silanyosafar2Hargeysa(Araweelo News network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo wefdi kooban oo uu hogaaminayo ayaa maanta

 

ka dhoofay dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international, iyagoo usii jeeda dalka Turkiga. Kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo martiqaad rasmi ah ka helay Raysal Wasaaraha dalkaa.
silanyosafar3
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu aanu ahayn mid xidhiidh la leh wada hadaladii hore ugu dhexmaray dalka Turkiga labada dawladood  ee Somaliland iyo Somalia, balse ay danohooda gaarka ah iyo masaaliixdooda  kala hadlayaan.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya ujeedad safarkooda, wuxuu yidhi, “Insha allaahu tacaala waxa aanu rajaynaynaa in aanu halkaasi kala kulano soo dhawayn wanaagsan iyo martiqaad wanaagsan iyo wixii daneheena ah ee ay maslaxadi inoogu wada jirto in aanu ka wada hadalno ayaan ka rajaynayaa.

silanyosafar
Wadankaas waxa inaga wada dhexeeya dano taariikhiya, mucaawimooyin badan ayaynu ka helnaa wax yaalo badan oo ay ka mid yihiin macdan baadhis ayaa ka mid ah waana waxyaalaha aanu ka soo wada hadli doono insha allaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dawlada Turkiga kala hadli doonaan dhawaaqyada madaxda Somalia kaga been sheegto wadahadalada dhexmara, isagoo yidhi, “waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo hadalo had iyo jeer ka soo yeedha Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku tilmaamo in wada hadalo na dhex mari-doonaan in aanu nahay dal kala maqan oo isu soo noqon doona.

Waxa aan rabaa in aan halkan ka cadeeyo oo aanan marnaba ka xiiqayn in aanu cadayno haddii la wada hadlo iyo haddii aan la wada hadalba inay tahay Somaliland  dal madaxbanaan oo aan madaxbanaanidiisa marnaba laga noqonayn oo aan caadifad ku dhisnayn ee ay tahay mid ummaddeeda iyo dadkeedu ku tashaday wixii soo marayna ay ogaayeen oo ay tahay mid muqadas ah gooni isu taaga somaliland.”

Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in aanay waxba ka qabin wixii laysku afgarto ee masaalaxa, balse aanay marna mawqifkooda ka tanaasulayn, “Wixii wada hadal ah iyo wixii masaalax ah iyo wixii is afgarad ah waxa allaale wax aanu ka qabnaa ma jirto,  laakin maaha mid aanu marnaba uga tanaasulayno  in aanu marwalbana cadayno in aanay arrintaasi caadifad ku dhisnayn.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilanyo, wuxuuna xusay inay rajaynayaan in safarkani noqdo mid guul ah, maadaama dalka Turkiga wax badan oo wanaagsan iyo xidhiidh taariikhi ah uu ka dhxeeyay, isla markaana ay rajaynayaan in labada dal ka wada hadli doonaan sidii ay wax u wada qabsan lahayeen.

Madaxweynaha oo la weydiiyay in ay qorshaha ugu jirto in wadahadaladii hore uga dhexeeyay Somaliland iyo Somalia in ujeedada safarkoodu la xidhiidho, waxa uu sheegay  Madaxweynuhu in arrimaha loogu yeedhay aanay xidhiidh la lahayn wada hadaladaa oo aanay u socon had, balse safarkoodu yahay mid dano labada dal ee Somaliland iyo Turkiga.

Sidoo kale Madaxweynaha oo la weydiiyay sababta ay dhaliisha mucaaradka u dhibsadaan ee xukuumaddiisu u diido mudaharaadyada sida ay mucaaradku ku eedeeyaan, waxa uu sheegay  in  xukuumaddiisa  ay ka go’antahay sidii ay wax u qaban lahayd, isla markaana ay soo dhowaynayaan mucaaradka ax dhisaya ee aan ahayn ka wax duminaya.

Madaxweyne siilaanyo wuxuu ku dooday in ay wax badan oo la wada arkayo  ay qabatay xukuumaddiisu, isla markaana ay sii wadayaan dedaalkooda si dalka horumar loo gaadhsiiyo, taas oo uu sheegay in shacbi iyo dawladba meel uga soo wada jeestaan.

Madaxweynaha Somaliland, waxa safarkiisa dalka Turkiga ku weheliyay, Marwada Koowaad  Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali  Axmed Cali  iyo Zaki Daahir Xasan oo ka mid ah Weriyeyaasha Tv-ga Qaranka Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *