silanyo and ardoganAnkara(Araweelo News Network) Dawlada Turkiga ayaa qorshaynay sidii ay xafiis dublamaasiyadeed uga furan lahayd Somaliland. Kadib wada hadalo dalka Turkiga

ku dhexmaray Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaalka ku tagey dalka Turkiga, kuwaas kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayaa si meeqaam sare ah xafiiskiisa ugu qaabilay weftiga Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxay  labada dhinac wada yeesheen kulan qaatay muddo saacaddo ah. Kulanka weftiga Somaliland iyo Raysal wasaaraha dalka Turkiga ay kaga wada-hadleen qodobo badan oo la xidhiidha wax wada qabsiga labada dal iyo sidii Turkigu uga caawin lahaa Somaliland dhinacyada horumarinta bulshadda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

 

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka labada dhinac ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay weftiga Somaliland iyo masuuliyiinta dalka Turkigu ka wada-hadleen, isagoo tilmaamay in wefti uu hogaaminayo raysal wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu iman doono Somaliland. “Waxaanu maanta la kulanay ra’iisal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka ganacsiga, waxay si xoogan noogu soo dhaweeyeen xafiiskiisa Ra’ysal wasaaraha, waxa ugu muhiimsan ee aanu aad uga wada-hadalnayna waxa ka mid ah sidii uu wadanka Turkigu uu inooga caawin lahaa arrimo ay ka mid yihiin hirgelinta wadada Ceerigaabo, wadada Tog-wajaalle, xaga laydhka, dekadaha, waxbarashada iyo caafimaadka, markaa mashaariic badan ayaanu u qadinay wayna nala garteen inay wax nala qabtaan,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.

“Waxa kale oo aanu ku casuunay ra’ysal wasaaraha iyo xukuumaddiisa inay Somaliland yimaadaan, waxaannu aad u xoojinay inaanu jecel nahay sida wax loo siiyo walaalayadda Soomaaliya in Somaliland-na loo siiyo, maadaama oo aanu nahay laba wadan oo walaalo oo maanta wada-hadallo u socdaan.”

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay inay Raysal wasaaraha Turkigu ka aqbalay in labada dal is dhaafsadaan laba xafiis oo laga kala furro Hargeysa iyo Ankara,, wuxuuna  isagoo arrintaa ka haldaya yidhi, “Waxa uu noo ballan-qaaday in raysal wasaare ku-xigeenku iman doono Somaliland oo aanu mashaariicdaa ka sii wada hadli doono, isla markaana waxaanu isla garanay inay xafiis ay ka furtaan Hargeysa, Somaliland-na ay xafiis ka furato magaaladda Ankara.”

Weftiga Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Turkiga ku wehelinaya Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga, Marwadda koowaad ee Somaliland iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *