Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo ) ayaa la filayaa inuu safar ugu baxo saacadaha soo socda xarunta gobolka Awdal ee Boorame, iyadoo soo dhowaynta diyaargarawga wefdiga Madaxweynaha  laga dareemayo magaalooyinka Boorame iyo Gebilay

ee galbeedka hargeysa.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxtooyada Somaliland oo ku saabsan socdaalka wefdiga Madaxweynaha iyo ujeedadiisa, balse sida ay warar shebekada Araweelonews ka heshay qasriga madaxtooyada iyo meelo kale oo mihiim ahi  sheegayaan Madaxweynaha  Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa subaxnimada hore safar kalahaad ah ugu baxaya dhinaca galbeedka Hargeysa, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgelayo munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiinayo Arday la qalin jebisay jaamacadda Camuud ee Boorame.
Sidoo kale xoggaha safarka Madaxweynaha la xidhiidha ayaa sheegaya inuu booqashada Boorame iyo Gebilay kula kulmo doono Odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaa munaasibada Jaamacadda kadib.
Booqashada  Madaxweyne Siilaanyo a yaa noqonay tii ugu horaysay ee uu ku tago mudadii sannadka ahayd ee uu xulka hayay deegaankaa iyo dalka intiisa kale, marka laga reebo  xarunta saaxil ee magaalada Berbera  oo dhawr bilood ka hor booqasho uu ku tegey.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *