Ramadan2011 When Ramadan 2011?Dubai(ANN)Bisha barakaysan ee Ramadaan oo dunida Islaamka muslimiintu ku gutaan soonka bishaa iyo cibaaddada ayaa la saadilyay inay ku beeganatahay 1 August 2011 oo wax ka yar maalmo inaga xigaan haddii Allaha Awooda lihi aqbalo.  Hase yeeshee bisha barakaysan ee sannadkan ayaa la

 

saadaaliyay  26 sannadood ka dib inay noqonay mid muslimiintu soomayaan saacadaha ugu baddan oo waqtiga soonka ka dhigaya 14 saacadood iyo 5o minutes, taas oo ka baddan xiliga, ama waqtiga maalintu ka kooban tahay marka loo eego sannadii hore.
Qaybta Taariikhda Islaamka iyo arrimaha sadaqada ee xaruntoodu tahay Dubai ayaa xaqiijayay inay Ramadaantan oo ku beegan inay la kowsato 1 August  2011, noqonay  mid saacado baddan Islaamku soomanaanayaan , iyadoo maamaha u danbeeya  bishana  ay maalintu noqonay 14 saacadood.
Jariirada caanka ah ee Gulf News oo soo xiganaysay Madaxa Xarunta Taariikhda Islaamka iyo Arrimaha Sadaqada  Ashraf Nourul Xaq Ashraf ayaa qoraal kasoo baxay xaruntaa ku sheegay in  maalinta ugu horaysa bisha barakaysan ee Ramadaan oo ku beegan 1 August  2011,  salaada subax ee Fajarka eedaanku noqonayo marka ay saacadu tahay 4: 26 Am, iyadoo maqrib eedaanka Afurkuna ku beeganayahay 7:06 Pm, taas oo muslimiintu 10 minutes ka hor inta aanu  dhicin  eedanku ay joojinayaan. Kadibna bilaabayaan Afurka  toban daqiiqo ka dib marka uu bilaabmo xiliga maqribkii ee cadceed dhaca.
Dhinaca dalalka Khaliijka ayaa la saadaaliyay inay qaarkood heer kulka cimiladu gaadhayaan  meelaha  qaar 40-45, taas oo aanay dad baddani xamilayn heer kulka xaggaaga ee kusoo beegmay iyadoo Ramadaantani tahay tii saacadaha ugu baddan ay soomanaanayaan muslimiintu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *