Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo ) ayaa la filayaa inuu safar ugu baxo saacadaha soo socda xarunta gobolka Awdal ee Boorame, iyadoo soo dhowaynta diyaargarawga wefdiga Madaxweynaha laga dareemayo magaalooyinka Boorame iyo Gebilay
ee galbeedka hargeysa.Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxtooyada Somaliland oo ku saabsan socdaalka wefdiga Madaxweynaha iyo ujeedadiisa, balse sida ay warar shebekada Araweelonews ka heshay qasriga madaxtooyada iyo meelo kale oo mihiim ahi sheegayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa subaxnimada hore safar kalahaad ah ugu baxaya dhinaca galbeedka Hargeysa, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgelayo munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiinayo Arday la qalin jebisay jaamacadda Camuud ee Boorame.
Sidoo kale xoggaha safarka Madaxweynaha la xidhiidha ayaa sheegaya inuu booqashada Boorame iyo Gebilay kula kulmo doono Odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaa munaasibada Jaamacadda kadib.
Booqashada Madaxweyne Siilaanyo a yaa noqonay tii ugu horaysay ee uu ku tago mudadii sannadka ahayd ee uu xulka hayay deegaankaa iyo dalka intiisa kale, marka laga reebo xarunta saaxil ee magaalada Berbera oo dhawr bilood ka hor booqasho uu ku tegey.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com