Addis Ababa (Araweelo News Network) Madaxweynaha Is Maamulka Soomalida Ethiopia Maxamed Cabdi Iiley, ayaa laga cabsi qabaa in xilka laga xayuubiyo. Kadib

 

markii ay dawlada Federaalka ka cadhootay talaabooyin uu ku kacay ee Caasimadda Addis Ababa kasoo afduubay sarkaal sare oo dawlada Federaalka Marti u ahaa.

Laba gaadhi oo nooca qabaalka loo yaqaan oo ay wateen ciidanka Leu police ee kilalka shanaad oo Addis Ababa kasoo afduubay Axmed Nuur Sheekh Maxamed dhamaadkii July, balse ciidamada federaalku ayaa ku qabtay meel u dhaxaysa Dirirdhaba iyo Herer, waxaana xabsiga loo taxaabay kooxda Booliska Kilalka Shanaad ee Somalida Ethiopia ee falkaa afduubka ku kacay, kuwaas oo loo dhaadhiciyay waqtigaa Xabsiga weyn ee Makalaawi.

Iyadoo ninkaa oo lagu magcaabo Axmed Nuur Sheekh Maxamed lagu celiyay Addis Ababa,ninkan ayaa  hore xilal kala duwan uga soo qabtay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, isla markaana laba jeer ka mid noqday Baarlamaanka Kililka Shanaad, wuxuu horseed u ahaa soo xerayntii Jabahada ONLF garabkii hubka laga dhigay, isagoo dawlada Federaalka u qaabilsanaa wadahadaladii dhexmaray ONLF.

Sida ay sheegayaan xoggaha la xidhiidha Ninkaa oo ay hore isugu dhaceen Madaxweynaha Ismaamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia Cabdi Iiley, ayaa khilaafkoodu gaadhay heer uu Axmed Nuur oo kalsooni badan ka haysta dawlada dhexe uu dacwad ku saabsan Cabdi Iiley u gudbiyo Maxkamadda Federaalka, isagoo ku eedeynaya musuq-maasuq iyo maamul xumo, wuuxuna ku doodayay in xilka laga xayuubiyo,  taas oo sababtay in Madaxweynaha Kililka Shanaad Cabdi Iiley u diro laba gaadhi oo Ciidamo ka tirsan Leu police ah.

Hase yeeshee waxa arrintaa afduubka Caasimada Federaalka ee Adis Ababa ka dhacay ku war heshay, waxaana fashiliyay Ciidamada Federaalka oo gacanta ku dhigay kooxdii afduubka samaysay, kuwaas oo tiradoodu ahayd 10 ayaa dhowaan Maxkmaadda Sare ee Federaalku ku xukuntay midkii 25 sanadood oo xadhig ah.

Dhinaca kale waxa tallaabada Madaxweynaha Kililka Shanaad kula kacay Ninkaa sababtay in ay si weyn uga cadhooto dawlada Federaalka oo ay wejigabax ku noqotay in muwaadin dalkiisii jooga oo weliba Madaxda dawlada Federaalka marti ugu ahaa Caasimada dhexdeeda laga afduubo.

Arrimahaa dab kusii qabtay khilaaf u dhexeeyay madaxda sare ee Soomalida Ethiopia ee Kililka shanaad waxayna khilaafkaa iyo tallaabooyinka afduubka ah ee uu sameeyay Madaxweynaha Kililka Maxamed Cabdi Iiley saamayn ku yeesheen xidhiidha u dhexeeyay dawlada Federaalka Ethiopa, waxaana suurta gal ah sida xoggaha iyo wararka la xidhiidhaa sheegayaan in xilka laga xayuubiyo maalaha soo socda, iyadoo dawlada Federaalku xiligan u aragta inuu khatar ku yahay amaanka dalka Ethiopia, maadamaa uu hore tallaabooyin afduub ah, waxaana si deg deg ah looga yeedhay dhinaca caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *