Garoowe(ANN) Maamaaul  Goboleedka Puntland,  ayaa  si weyn uga hor yimi dastuurka la doonayo in la meel mariyo ee Somalia oo qorshe la doonayo in lagu ansixiyo  uu ka socdo Magaalada Muqudsiho. Diidmada Maamulka Puntland, ayaa

xoojinaya dhaleecayn dhinaca bulshada kale ee Soomaalida ka imanayay oo lagu dhleecaynayo dastuurkaa, kaas oo ay culimada bulshada Soomaalida, gaar kuwa Muqdisho,  aqoonayahano  iyo qaybo baddan oo bulshada ka mid ahi diidanyihiin.
Wasiir Dawlaha Madaxtooyada Puntland Maxamed Faarax Casar-joog, ayaa si cad u sheegay inay dastuurkaa marar baddan cabashooyin ka gudbiyeen, kuwaas oo ay dawladaha,  Ururada  iyo haya’addihii maamulayay u gudbiyeen ka hor intaan shirka madaxdhaqameedka ee lagu ansixinayo muqdsiho laga furun, balse waxa uu sheegay in aan waxba laga qaban cabshadooda oo aan waxba laga bedelin qodobada ay ka cabayaan, kuwaas oo mar uu caawa Idaacada BBc-da u xaqiiyayay diidmada dastuurka ee Maamulka Puntland ku sheegay in qodobka ugu horeeya ee dastuurku aanu sheegayn dawlad federal ah ee uu tilmaamayo dawlad awood keliya leh oo aan waxba ka duwanayn dawladii hore ee Somalia.
Maamul goboleedka Puntlandqoraal ay u dirtay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, dowladda Ingiriiska iyo meelo kale, waxaa lagu sheegay inaysan Puntland ku qanacsanayn qaabka la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya iyo sida uu u qoranyahay intaba.
Dhinaca kale Qoraalada  uu sheegay inay hore ugaga cawdeen dastuurka oo debeda usoo baxay waxa ka mid ah Warqad ka kooban laba bog ah, taas oo ku taariikhaysan 04.05.2012, isla markaana uu saxeexay  C/raxmaan Faroole.
Warqadaa oo ku socota dawladaha dabada ka riixiaya dastuurka, Ergayga qaramada midoobay iyo hay’addo kale  ayaa lagu yidhi ,“Innagoo tixraaceyna Dastuurka Qabyada ah ee loo samaynayo, dalka Soomaaliya, isla markaana dhuuxeyna nuxurka copy ka mid ah dastuurka qabyada ah ee la doonayo in la ansixiyo, kaas oo ay noo soo gudbiyeen, wakiiladeenu 30 April 2012, waxaan ka muujinaynaa aragtideena ku aadan arrintaas”.
Sidoo kale waxa Faroole ku yidhi, qoraalkiisa,  “Copy-ga aan helnay ee dastuurkaasi nooguma muuqdo inuu noqon karo dastuur oo dalku yeesho,sababtoo ah kama muuqato, waxyaabihii aas aaska u ahaa dowlad federaal ah, kumana muuqato habka awood qaybsiga ee Federaalku yeelan doono, balse taas bedelkeeda wuxuu u muuqdaa mid u diyaarsan habka ay u shaqeyso dwlad dhexe”
Wuxuuna nuxurka geba-gebada qoraalkaa ku yidhi,  “Dowlad goboleedka Puntland waxay aad uga xuntahay isla markaana ka welwelsan tahay inuusan dastuurkaasi ahayn mid dalka Soomaaliya dastuur u noqon kara, innagoo weliba fahamsan inuu aad u yaryahay waqtiga arrintaasi looga doodi karo ee wax looga bedeli karo”.
Dhinaca kale dawladda taagata daran ee Somalia, ayaa jawaab ka bixisay diidmada Puntland ee Dastuurka, wuxuuna masuul u hadlay sheegay in aan dastuurka la diidi karin, balse ciddii ku doodaysa in wax laga bedelo qodobada qaarkood cabashadooda la dhegaysanyo. Laakiin aan maamulka Puntland oo hormood u ahaa dhawrkii sanadood ee hawsha qabya qoraalka dastuurka la waday ay hada ku doodaan inay diidan yihiin dastuurka.
Dhawaaqyadaa, ayaa sii xoojinaya  dhaleecayntii iyo diidmadii sii xoogaysanaysay ee lagaga soo horjeeday dastuurka la doonayo in bulshada Soomaalida debeda lagaga keeno, iyadoo ay dalada culimada Soomaaliyeed si weyn uga horyimaadeen, isla markaana ku tilmaameen mid aan anfacayn bulshada oo ka hor imanaya diinta iyo dhaqanka suuban ee mujtamaca Soomaalida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *