Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Kedis Ah Kaga Baxay Dalka Xili Ay Caasimada Ka Socdaan Mudaharaadyo Ka Dhashay Naatiijadii Doorashada Golaha Deegaanka Ee Hargeysa

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaaa safar kedis ah ugu baxay dalka Djibouti, kaas oo uu kagag qaybgelayo kulan balaadhan oo ka dhacaya halkaa.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa goordhowayd ka dhoofay madaarka calamiga ah ee Magaalada Hargeysa, wuxuuna socdaalkiisu kusoo beegmay iyadoo ay saaka mudaharaadyo ka dhashay natiijadii doorashada golaha deegaanka Hargeysa ka bilaabmeen degmada 26 Jun.

Mudaharaadkaa oo ahaa mid rashado watay, waxa ka hortegey ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo kala dareeriyay dhlinyaradaa oo wadooyinka qaarkood ku shiday Taayiro, waxa qarkood soo gaadhay dhaawacyo, iyadoo qaar ka mid ah suxufiyiinta saaka goobta tegey ay ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen.

wixii kasoo kordha  rabshadahaa iyo socdaalka Madaxweynaha kala soco shebekada araweelonews

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *