Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay rabshadaha ka dhashay natiijadii doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay musharixiinta hadhay inay

is dejiyaan oo ilaaliyaan nabadgelyada.

Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafadda kula hadlay qolka Nasashada. ka hor intii aanu maanta safar ugu bixin dalka Djibouti oo uu kaga qaybgelayo kulan lagaga hadlayo Luqada Af-soomaaliga oo ay ka qaybgelayaan Madaxweynayaasha Dalalka ku hadla Af-somaliga, wuxuu sheegay in kulankaa oo dawlada Djibouti marti gelisay lagu casuumay.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in isaga iyo weftigiisu ay ka qeyb gali doonaan shirka Horumarinta Afsoomaaliga oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka PEN ee qorayaasha Soomaalida.

Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyay inay suurta galtahay inuu wadahadlo la yeesho madaxda ka qaybgelay kulankaa, waxa uu sheegay inay suurta gal tahay inuu mudada uu halkaa joogo kulamo siyaasadeed la yeesho madaxda ka qaybgelay kulankaa iyo madaxda dalalka ku hadla Af-soomaaliga.

Safarka Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku weheliyay Wasiirrada Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta  Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo marwadda Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale mar la weydiiyay Madaxweyne Siilaanyo dhibaatada rabshadaha ka dhashay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Degmada Hargeysa waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay waxa dhacaya,  isla markaana waxa uu ka codsaday Musharixiinta hadhay iyo taageerayaashooduba inay is dajiyaan.
Rabshadaha ayaa sababay maanta inay ciidanka Booliska Somaliland xabsiga u taxaabaan dersin dhalinyaro ah, kuwaas oo saaka mudaharaad ka sameeyay wadooyinka Idaacadda, Togdheer iyo xaafada 150-ka. kadib markii ay Taayiro ku gubeen wadooyinkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *