Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar kedis ah saaka waaberigii ugu baxay galbeedka Somaliland, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn ujeedada safarka iyo halkaa uu ku jihaysanyahay, balse warar

 

shebekada araweelonews heshay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo booqashadiisu ku waajahantahay xarunta gobolka Awdal ee Boorame.
safarka Madaxweynaha oo aan hore loo shaacin ayaa soo baxay xalay saacadihii danbe, iyadoo la filayo inuuu xadhiga ka jaro dhawr kilomitir oo wadada u dhaxaysa Boorama iyo Gebilay, taas oo dhagaxdhigay badhtamihii sanadkan.
Dhinaca kale Safarka Madaxwayne Siilaanyo ku Tagayay Magaalada Boorama ayaa ku soo Beegmay Mudaraadyo ka socday magaalada Gebilay, kuwaas  oo ay soo qaban-qaabiyeen ArdaydaJaamacadda Timacadde iyo qaar ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan Magaalada gabiley oo  Saaka  qorsheeyay Mudaharaad Balaadhan lagu diidanaa komishanka Doorashooyinka qaranka oo Ardayda jaamacadda Gabiley ka Reebay Jaamacadaha kale ee Dalka ee ka shaqaynaya Doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay ciidamada amaanku kala dareeriyeen Aradaydaa oo boodhadh ay ku qoran yihiin (No Vote) iyo weedho kale, waxayna Boolisku xabsiga dhigeen qaar ka mid ah Ardayda iyo dadka kale ee mudaharaadka ka qaybqaatay. kadib markii ay rasaas ku kala dareeriyeen
.
Tibaaxo la xidhiidha safarka Madaxweynaha ayaa sheegaya in aanay ka madhnayn kaanbayn dhinaca doorashada golayaasha deegaanka ah, iyadoo gobolka Awdal ay sii diciifay taageerada ay u hayaan xisbiga Kumiye.

.wixii kasoo koredha socdaalka Madaxweynaha iyo wefdugiisa kala soco shebekada Araweelonews,com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *