Muqdisho(ANN)Wufuud ka socota dalalka China, Turkiga Iyo Iraan ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, waxayna

 

kulamo la yeesheen Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Wafdiga ka socday dowladaha Iraan Iyo Turkiga oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,  waxa hogaaminayay Wasiiradda arrimaha debeda Turkiga Daa’uud Oglo iyo Iiran Cali Akbar saalixi, kuwaas  oo booqashadoodu kusoo beegantay maalin ka dib markii la anisixiyay golaha wasiiradda ee xukuumadda Somalia oo ka kooban toban xubnood.

Kulanka Madaxweynaha Somalia iyo wefdiga ka socday dalalkaa, ayaa kadib loo sheegay warbaahinta  inay labada dhinac mid walba dhankooda iskula soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Turkiga iyo Iiraan mid walba gaarkiisa ula leeyahay Somalia.

Shir jaraa’id oo ay si wadajira ah u qabteen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka arrimaha debada dowlada Turkiga, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh  ku tilmaamay  in uu ahaa mid taariikhi
ah oo ay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal ee Turkiga iyo sidoo kale Iraan.
Wasiirka arrimaha debeda eeTurkiga ayaa  ku tilmaamay in ay u tahay arrin taariikhi ah booqashada uu ku tegey Muqdisho, isagoo xusay inay Somaalida ka dhaxayso taariikh weyni  “Waxaanu mar walba garab taaganahay walaalaheena Soomaaliyeed sidii ay dib wadankoodu ugu dhisi lahaayeen uguna soo celin lahaayeen nabadda iyo horumarka.”ayuu yidhi wasiirka arrimaha debeda ee dawlada Turkiga.

Wasiirka arrimaha debeda Turkiga ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay gacanka geysan doonto dayactirka xarumaha wasaarahada iyo xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliyeed waxana uu u gudbiyey madaxweynaha martiqaad uu ka sidey ra’iisal wasaaraha Turkiga, kaas oo ah in bisha December ee sanadkan uu madaxweyne Xasan Sheekh booqasho rasmi ah ku tago dalka Turkiga.
Wefdiga ka socday dawlada Turkigu waxay soo kormeereen mashaariic waaweyn oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho

waxayna balan qaadeen inay dawlada Turkigu gacanka geysan doonto dayactirka xarumaha wasaarahada iyo xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliyeed. sidoo kalena ay mashaariicda ay ka wadaan iyo taageerada bulshada Soomaalida sii wadayaan.

.Sidoo kale wafdiga ka socday dowladda Iraan oo uu horkacayay wasiirka arrimaha debada ee dalkaa Cali akbar saalixi  ayaa sheegay inay u yimaadeen sidii ay u muujin lahaayeen taageerada ay u hayaan bulshada Soomaalida.Cali Akbar saalixi oo ah Wasiirka arrimaha debeda Iraan ee wefdiga hogaaminayay ayaa si cad u sheegay inay sida dhaqsaha badan safaarad uga furanayaan Magaalada Muqdisho.

Booqashada wasiirka arrimaha debada ee Iraan oo ahayd tii labaad ee uu ku yimaado Muqdisho waxana uu ballanqaaday in dowlada Iraan garabtaagnaan doonto dowlada Soomaliya isagoo u hambalyeeyay dhismaha golaha wasiirada iyo baarlamaanka Soomaaliyeed.

sidoo kale wefdi ka socday dalka China ayaa booqasho ku yimi maanta Magaalada Muqdisho, kuwaas dhinacood balanqaaday inay mashaariic waaweyn ka fulinayaan Somalia.
Booqashada wadamada China, Turkia iyo Iraan, waxay muujiyeen loolan weyn oo siyaasadeed oo u dhexeeya iyaga iyo wadamada reer galbeedka, kuwaas wadan walba doonayo inuu iskuu saamayn ugu yeesho siyaasada Somalia ee ay hore ugu hirdamayeen wadamada reer galbeedka iyo kuwa deriska ah mudadii kow iyo labaanta sanadood ahayd ee somalia colaadaha, qaxa, dagaalada iyo macaluushu ka taagnayd, iyadoo aanay sadexa dal midna saamayn muuqata ku lahayn loolanka siyaasada Somalia wixii ka horeeyay labadii sanadood ee u danbeeyay.

Dowlada Turkiga ayaa si weyn uga dhex muuqatay kaalmadii beesha caalamku ugu soo gurmatay abaarihii iyo macaluushii malaayiin qof oo Soomaali ah ay ku bara kaceen sanadkii 2011, waxayna safka hore ka gashay wadankii deeqdii ugu balaadhnayd iyo gurmadkii ugu badnaa la gaadha Soomaalida. sidoo kalena waxay xiligaa ka bilawday magaalada Muqdisho mashaariic dhismayaal oo qayb ka ah taageerada mashaariic waaweyn oo ay doonay inay ka fuliso Somalia.
.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *