images/stories/eng. maxamed xaashi.jpg Hargeysa (ANN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in cashuur kasta oo dalka soo gasha lagu dari doono Miisaaniyad sanadeedka qaranka. Maxamed Xaashi waxa uu sidaa ku sheegay waraysi  uu siiyay maanta laanta Af-soomaaliga ee Idaacada BBC-da.

 

Sidoo  kale waxa  uu sheegay in cashuurihii kastamada iyo cashuuraha  Berrigu ay kordheen isagoo  yidhi “Cashuurtii waxa  noo soo kordhay dakhli ahaan 100% intii aanu  olalaha qaadnay walina  wuu noo socdaa wax badan baa noo hadhay. intaanu joognayna muddo yar ayay ahayd waxaanu filaynaa inaanu wax badan soo xarayn doono.”
 
Eng. Maxamed Xaashi, oo la weydiiyay xadiga Cashuuraha uga soo xarooday garoomada diyaaradaha ayaa  yidhi “Garoomadda Diyaaraddaha waxa jirta dakhli aan cashuurta dawlada soo geli jirin, waana tigidhada lacagta laga qaado ee $ 2-da Dollar ah sii socod iyo soo socod iyo duulista Hawada markaa waxaanu damacsan nahay wax kasta oo dakhli ahaa oo aan hore miisaaniyada u geli jirin inaaanu soo wada xarayno ayaanu ku rajo-weynahay intii badnaydna way noo soo xarootay.”
 
Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabay su’aal ahayd waxa ka jira qorshe la sheegay inuu doonayo in lacagta adag ee jaadka ay Itoobiya ugu bedelaan Milix iyo Kalluun,waxaanu yidhi “Waa arrimo  u baahan in sare loo qaado oo la kobciyo waxa ka mid ah Kalluunka iyo milixda waxay Somaliland haysataa waxyaabo badan oo ay ku bedelan karto, waxaana loo baahan yahay in Ganacsatadeenu ay kordhiso waxsoosaarka,  laakiin arrintaasi muddo ayay qaadan kartaa.”
 
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu sheegay inuu qorshaynayo sidii ay iskugu xidhnaan lahaayeen wasaaraddaha ay xidhiidhka shaqo leeyihiin si kor loogu qaado adeegyada bulshaddu u baahan tahay “Waxaanu doonaynaa inaanu kulamo joogto ah wada yeelano  Wasaaraddaha aanu wada shaqaynta leenahay sida Ganacsiga, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Wasaaraddaha wax-soosaarka leh oo dhan shirarkaasna waxaan kaga hadlaynaa sidii wax soosaarkii loo kordhin lahaa. Dalku waa dal inagu filan in la shaqeeyo oo la dedaalo uun baa meesha taalla. Dekada Berbera waa inay la loolantaa Dekadaha Boosaaso iyo DJabuuti. Waa in aanay cashuurtu qaali noqonin oo adeeguna noqdo mid fudud oo ay hore ula bixi karaan Ganacsataddu badeecadahooda,”ayuu yidhi Wasiirku.
 
Eng. Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in dakhliga dekadda Berbera aanu hore ugu soo xaroon jirin xukuumada dhexe hase yeeshee xiligan ay qaban doonto dawlada dhexe.
 
Mar  la weydiiyay inuu hirgelin karo dhaliilo badan oo maaliyadeed oo uu u soo jeedin jiray xukuumadii Rayaale, waxaanu yidhi “Anigu waxaan ka hadli jirin dakhli aan miisaaniyada geli jirin oo la leexsado iyo dakhligii miisaaniyada oo aan sidii la rabay u soo xaroon jirin. Wixii dakhli ah ee aan miisaaniyada hore u geli jirin waanu gelinaynaa oo taasi shaki ma leh oo waanu bilownayba.arrintan kale ee la  xidhiidha habka loo ururinayo dakhliga si wanaagsan ayay imika noogu socotaa mudadan yar ee aanu joognay-ba cashuurihii barriga iyo kuwii kastammadduba way kordheen. Waxa kale oo aanu balan qaadaynaa inaanu ummadda u bandhigno sadex biloodkiiba hal mar inaanu shacbiga u bandhigno wixii dakhli na soo galay.”
 
Maxamed Xaashi, oo la weydiiyay warar sheegaya in xukuumaddan cusubi ay doonayso inay dhamaystirto oo ay bixiso dhaqaalaha lagu qabyo tirayo biriijka labaad ee caasimada oo dhismihiisu aad u jiitamay waxaanu yidhi “Biriijka Hargeysa markiisa horeba waxaan u malaynayaa inuu dariiqii hagaagsanaa ka leexday wax dawlado lala  baryana ma  ahayn wax cid kale la baryana ma ahayn oo dawlada ayaa dhismihiisa kari lahayd oo dhisi lahayd. kharashka Biriijku wax weynba maaha markaanu iska bixino kharashaadkan shaqaalaha waanu bixinaynaa. Mushaharkii shaqaalaha waxaanu bilownay maantaba oo waanu bixinaynaa,”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi oo u waramayay laanta Af-soomaaliga ee Idaacada BBC-da.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *