Hargeysa(ANN)Munaasibad weyn oo lagu xusay sannad guuradii 51aad ee kasoo wareegtay markii ay somaliland ka qaadatay xoriyadeeda mustacmaradii Boqortooyadii Britain Jimcihii 26 Jun 1960 ayaa xalay lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland. Munaasibadaa oo ay ka qaybgaleen

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada, Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, marti sharaf ka socotay qaybaha bulshada ee kala duwan,  fanaaniin iyo abwaano, balse waxa aan kasoo xaadirin munaasibadaa masuuliyiinta xisbiga UDUB ee mucaaridka ah.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa qudbad dheer oo uu madasha ka jeediyay  ku sheegay in xoriyadii shacbiga Somaliland ka luntay lixdankii ay waayo aragnimo ugu filan u  tahay oo ay xiligan ilaashanayaan qaranimadooda. Wuxuuna qudbadiisa ku bilaabay sidan:-

“Waxaan idinku soo dhawaynayaa oo aan idinku hambalyeynayaa, maalintan oo maalin taariikhi ah oo magaca Somaliland taariikh weyn ku ah, 26 June1960 waa maalintii calan Soomaaliyeed oo xor ah la taago.
Waqtigaas ay Somaliland ka qaadatay maxmiyadda Ingiriiska siddeetan sannadood in ka badan u halgamaysay inay xorriyadeeda qaadato oo ay saamaysay dabayshii xorriyad-doonka qaaradda Afrika oo dhan ka bilaabantay.
Haddaba, waqtigaas aynu xorriyadda qaadanay waxaynu bilownay inaynu isugu yeedhno dadkii Af-soomaaliga ku hadli jiray oo dhan, innaga oo doonaynay in aynu dadkii Soomaaliyeed oo dhan isku keeno oo uu noqdo wadan qudha himilada Soomaaliyeed oo dhan meel uu joogo oo dhan.
Innaga oo xammaasaddaasi ina hayso waqtigii aynu gobonimada ka qaadanay Ingiriiska, ayaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah ha u naxariistee iyo wefti uu hoggaaminayey tageen Ingiriiska ee la yidhi xorriyadiina qaata, waxaanay yidhaahdeen waxaannu ku biiraynaa Soomaaliya afar casho kadib, iyagoo ka jawaabaya turjumaddii iyo dareenkii shacabweynaha reer Somaliland.
Waqtigaas sidaas ayeynu kaga mid noqonay dalka Soomaaliya, israacaas ayaan-darro maynaan mahadin, dhibaatooyin fara badan baana yimi, waxayna ku dambaysay inay shaqayn waydo is-raacii oo dadka reer Somaliland dulmi tirsadeen, ilaa dhallinyaro badan oo ciidammada ka mid ah inqilaab isku dayeen oo ay dooneen inay xorriyaddoodii la soo noqdeen waqtigaa markii ay arkeen in midnimada mid aan loo sninayn tahay, intii dambena waxay nagu qaadatay muddo dheer oo halgankii SNM ah oo aynu xorriyaddeennii dib ula soo noqonno 18 May 1991kii oo magaalada Burco laga taago.
Maanta maalintaas ayeynu xusaynaa oo aynu u dabbaaldegaynaa, waxaynuna leenahay taasi waxay ina baraysaa oo ina tusaynaa in aynu wax ku qaadano oo wixii iminka ka dambeeya ilaashano in kastaba ha innagu qaadato’e sidaynu horeba isu nidhi xorriyaddeenaba iyo madaxbannaanideena waa inaynu ilaashanaa, dunida waxaynu uga baahanaana waxay ku xidhan tahay innagu waxaynu qabsano.
Caalamku maanta waa uu inoo soo jeedaa, wax badan buuna inala qabaa, waa uu inala shaqeeyaa, waxbuu ina taraa, dad badan baa u diyaara inay wax inala qabtaan, laakiin dadka iyo cidda xilka iyo masuuliyaddu saaran tahay waa innaga haddaynu nahay dadweynaha reer Somaliland, markaa aynu isku xidhnaano, midowno, aynu nabadeenna ilaashano, aynu xorriyaddeena ilaashano, waana in aynu kaga dhabaynaa in dalkeennu noqdo dal madaxbannaan oo xor ah oo horumaray,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
Munaasibaddan ayaa ahayd mid ay dhinac socoto xasuuso si heer sare ah uga shaqaynaayeen shaqaalaha hudheelka Summer Time oo iyagu qaabilsanaa cashada loogu talogalay martida xafladda lagu martiqaaday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *