Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo saaro isku shaandhayntii ugu balaadhnayd ee uu ku sameeyo xukuumaddiisa oo dhawr caanamaal  uga hadhaneen   inuu u buuxsamo sannad. Hase yeeshee isku shaandhaynta

la filayo
inuu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyo xukuumaddisa  ayaa ah mid la hadal hayay saddexdii bilood ee u danbeeyay, balse dhowaan ayuu Madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku sameeyay is bedel kooban, magcaabis iyo xil ka qaadis. Sidoo wuxuu sameeyay xil ka qaadis  guoomiyihii Maxkamdda Sare ee Somaliland,  garsoorayaashii maxkamaddaa iyo Taliyihii ciidanka Booliska, taas   oo ay weheliyeen   agaasimayaal wasaarado kooban ah. Laakiin talaabada ayaa tibaaxaha iyo xogaha dhinaca Madaxtooyada Somaliland sida hoose uga soo baxay sheegayaan inay tahay mid Madaxweyne Siilaanyo la sugayay inuu ku beego maalinta qiimaha baddan ee 26 Jun oo ah maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay mustacmaradii Boqortooyadii Britain konton iyo kow sannadood mudo haatan laga joogo iyo sidoo kale, iyadoo maalintani noqotay maalin mar kale soo gashay Taarikhda shacbiga Somaliland. Kadib markii doorashadii madaxtooyada ee kal hore 26 Jun 2010 ka qabsoontay Somaliland, taas oo ahayd doorashadii labaad ee toos ah ay shacbigu usoo doortaan Madaxweyne  tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanineeda  18 May 1991. kadib dagaal qadhaadh oo ay dagaalyahankii hubaysnaa ee SNM  la galeen  taliskii macangaga ahaa Maxamed Siyaad Barre  oo xasuuq, dhac, kufsi iyo duudsi kula kacay shacbiga Somaliland mudadii uu ka talinayay dal weynhii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Dumuqraadiga ee Somalia.
Maalintan oo xanbaarsan taariikho isku beegmay ayaa lala xidhiidhiyay inuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la sugayay  inuu isbedel balaadhan iyo isku shaandhayn ku sameeyo xukuumaddisa cusub, taas oo jawaab uga dhigayo isbedelkii ay sida weyn u muujiyeen shacbiga Somaliland doorashadii madaxtooyada ee 26 Jun 2010. Kadib markii ay codkooda ku muujiyeen inay meesha ka saaraan xukuumaddii fadhiidhka ahayd ee kooxdii Daahir Rayaale Kaahin oo mudo sideed sannadood ka baddan  oo ay xukunka iyo hogaanka dalka hayeen wax horumar ah keeni waayay, isla markaana ugu danbayntii  sameeyay isku dayo baddan oo ay ku doonayeen inay Somaliland ka weeciyaan dhabaha geedi socodka iyo dumuqraadiyada  ee Somaliland ku caana maashay mudadii ay jirtay, balsé dhinaca rabitaanka bulshada somaliland ka  suurta geliwayday.
Sidaa awgeed xogaha iyo tibaaxaha ayaa sheegaya in Madaxweyne  Siilaanyo soo saarayo isku shaandhayn  balaadhan oo ku wajahan xukuumaddiisa , waxaana la filyaa inay qorshaha cusub ee madaxweynaha miiska u saaran  ay xilkooda ku waayaan masuuliyiin xilal waaweyn ka haya xukuumadda, isla markaana waxay tibaaxaha hordhaca ah ee la xidhiidha qorshahaa cusub ee Madaxweyne Siilaanyo sheegayaan in wasaaraddaha qaarkood  qaab dhismeed cusub loo jihaynayo, isla markaana ay masuuliyiin cusub soo gelayaan, waxaana wasaaraddaha sida weyn tibaaxuhu u iftiiminayaan ka mid ah Wasaaradda Arrimaha gudaha, taas oo loo qaybinayo Amniga Qaranka iyo dawladaha Hoose iyo Deegaanka. Sidoo kale wasaaraddaha Gaashaandhiga, Waxbarashada, warfaafinta , Duulista iyo Gaadiidka cirka, Maaliyada iyo ganacsiga  ayaa tibaaxuhu sheegayaan in masuuliyiintooda qaarkood xilka ku waayi karaan isku shaandhayntan, kuwo kalena laga bedelayo wasaaradaha ay masuulka ka yihiin.
Waxa iyana xogahani si weyn u iftiiminayaan in aanay isku shaandhayntani ku koobnayn oo keliya golaha wasiiradda iyo wasaaraddaha, balse ay saamyn ku yeelanayso badhsaabada gobolada qaarkood iyo masuuliyiin kale sida Dekedda Berbera iyo Hay’addo kale oo xukuumadda ah.
Maareeyaha iyo ku xigeenkiisa magaalada Dekedda ee Berbera iyo Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa meelaha ka baxsan golaha wasiiradda ee tibaaxuhu sheegayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo raaciyo isku shaandhayntaa balaadhan ka mid ah. Sidoo badhasaabka gobolka Sannaag oo aanay wax isbedel ahi ka dhicin tan iyo intii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka maamulaysay  mudadii sannadka ahayd ayaa la filayaa inay galaafato isku shaandhaynta iyo qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne  Siilaanyo ayaa xukuumaddiisu fulisay balanqaadyo baddan oo ka mid ah kuwii ay gashay xiligii Ololaha xisbiga Kulmiye, iyadoo wax ka qabatay  adeegyada aasaasiga ah ee dhinaca  wadooyinka, kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha dawladda, fulinta balanqaadkii bedelaada lacagta giinbaarta Burco, koorsooyinka dhinaca waxbarashada debeda, la dagaalanka musuq-maasaqa iyo garsoorka dalka oo hawshiisu bilaw tahay waqtigan. Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa ku hawlan sidii loo tayayn lahaa shaqqaalaha dawladda, iyadoo dhinaca kalena gudagashay nabadaynta xalinta tabashooyinka dhinaca bulshada Sool iyo Buuhoodle oo hawsheedu waqtigan socoto. Sidaa awgeed talaabadan isku shaandhaynta balaadhan ee la filayo inuu Madaxweyne  Siilaanyo soo saaro saacadaha fooda inagu soo haya ayaa la rumaysan yahay inuu ku doonayo sidii ugu danbaynta  isugu biyo shubayn lahayd In  la  helo xukuumad kooban oo tayo leh, isla markaana horumar gaadhsiisa dalka, balse waxaynu ka warsugaynaa  qorshaha  iyo dhawaaqa  ku wajahan arrintaa iyo talaabada u qorshaysan Madaxweynaha ee miiska saaran.
By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *