Hargeysa(ANN)Fadeexado  ka dhan ah xuquuqda aadamaha  iyo cabashooyin balaadhan ayaa ka dhashay  maamulka xabsiga dhexe ee Hargeysa. kadib  markii ay tacadi kala kulmeen askarta maamusha xabsiga dadka eheladoodu ku xidhan yihiin ee raashinka cuntada iyo waxyaabaha

 

daruuriga ah ee ay u baahan yihiin doonaya inay gaadhsiiyaan maxaabiista.
Xabsiaga dhexe oo xukuumadda somaliland lagu wareejiyay March 2011. Kadib markii dib u habayn balaadhan lagu sameeyay, waxa hada ku jira maxaabiis tiro baddan oo isugu jira kuwo loo haysto falal araggixiso  oo qaarkood xukuno ku dhaceen, maxaabiis  Budhacad badeed oo intooda baddan xukun maxkamadeed ku dhacay iyo dad kale oo denbiyo kala duwan loo haysto, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi yihiin garsugayaal. Waxaana warar hoose oo xaalada gudaha ee xabsiga sheegayaan in dayac baddan iyo dhibaatooyin ay haystaan maxaabiista xabsigaa ku jirta oo hada lagu qiyaasay inay gaadhayaan dhawr boqol.
Hase yeeshee dhibaatooyinka aan wax baddan laga ogayn ee ka jira xabsiga, waxa iftiimiyay fadeexadaha iyo tacadiga ay kala kulmeen dadka maxaabiista u adeegaya ee ehelkooda ah, kuwaas oo si weyn uga qayliyay dhibaatooyin ay kala kulmaan askarta iyo maamulxumo ka taagan oo sababtay in aan maxaabiista waxyaabaha ay u sidaan ehelkoodu la gaadhsiin, iyadoo taa bedelkeedana ay askarta qaarkood kula kacaan dadkaa oo u baddan haween iyo caruur tacadi iyo gacanka hadal.
“Aniga shalay ayaa iigu horaysay inaan Jeelka imaado, waxan raashin u sidnay qof ku xidhan , waxaana tacadi iyo hatigaad noo geystay Askarta xabsiga oo six un noola dhaqmay, iyagoo hanjabaad iyo caga-juglayn kula kacayay dadka raashinka u sida maxaabiista oo u baddan Dumar.”  Sidaa waxa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegtay  shalay Hooyo Weris Shire oo ah qof waayeel ah oo dhibaato kala kulantay xabsiga dhexe ee Hargeysa.
“waxaan indhahayga ku arkay cuntadii dadka maxaabiista loogu talo galay ee ay eheladoodu u sideen oo marka dhibtaa iyo tacadigaa  loo geysto  qofka sida, haddana aan la gaadhsiinayn ee meel layska dhigayo oo marka gudaha aad gasho arkayso weelkii oo dabaqyo noqday.   Markii aan waraystay dumarka aanu meesha ku kulanay oo qaarkood Askartu aflagaado iyo gacan ka hadal isugu dareen, waxay ii sheegeen inay dhibaatadaa ku qabaan xabsiga ee aanay ahayn wax maanta oo keliya la kulmay. Markaa xukuumadda waxan ugu baaqayaa inay deg-deg wax uga qabato dhibaatada iyo dulmiga ka taagan xabsiga dhexe.” Ayay tidhi Hooyo Weris.
Sidoo kale haweenay kale oo ka mid ah dadka Eheladoodu maxaabiista ku yihiin Xabsiga dhexe ee Hargeysa  oo magaceeda ku sheegtay Maryan ayaa ka dayrisay dhibaatada ka taagan xabsiga oo ay ku tilmaantay mid cuquubo abuuri karta, iyadoo tidhi, “Nin Askari ah ayaa igu yidhi, “Cuntada aad sido dhadhami, waxay ahayd quraac laxoox iyo Shaah, laxooxdii ayaan dhadhamiyay, shaaha anigu ma cabo ee wuu kululyahay ayaan idhi, “intuu garabka I qabtay ayuu I tuuray. Kadibna dhirbaaxo ii raaciyay, isagoo leh ka bax meesha waa halka gudaha raashinka lagu wareejiyo. Mid kale ayaa iga soo gaadhay isagoo doonaya inuu mar kale waxyeelo ii geysto. Markaa dhibaato weyn iyo tacadi ayaa ka jira xabsiga dhexe ee waa inay dawladu wax ka qabataa.”   Ayay tidhi Maryan.

Waxa kaloo ay sheegtay inay rumaysan yihiin inaan maxaabiista la gaadhsiin raashinka ay dadka ehelkooda ahi u keenaan, isla markaana ay raashinka iyo weelku isku soo gaadhaan halkaa, taas oo keentay inuu goobta Raashinka la dhigo ee xabsiga weelku u ekaysiiyay  goob bacadale ah oo lagu iibiyo maacuunta.
Dhinaca kale Masuuliyiinta xabsiga dhxe ee hargeysa oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino fadeexadaha iyo cabashooyinka  dhinaca tacadiga xuquuqda aadamaha ee xabsiga dhexe ee Somaliland ayaanay noo suurta gelin.
Fadeexadaha iyo cabashooyinka ka taagan xabsiga dhexe ee Somaliland ayaa soo ifbaxay maalmo yar kadib xili ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday  gudoomiyhii iimaxkamadda sarre ee Somaliland iyo garsoorayaashi la shaqaynayay. Sidoo waxay arrintani kusoo beegantay wax ka yar laba todobaad. Kadib markii ay  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  qabatay kulan balaadhan oo lagu soo bandhigay cadaaladda iyo garsoorka Somaliland iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo kulankaa oo  Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay furitaankiisa ku qiray cadaaladdaro iyo garsoor xumo baahsan oo aanu filayn inay heerka lagu sheegay warbixinta loo gudbiyay gaadhsiisantahay.
Xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo ayaa hore ugu baaqday xiligii Ololaha doorashada madaxtooyada inay wax ka qabanayso cadaaladda dhinaca Garsoorka iyo xabsiyada dalka, isla markaana maxaabiistu heli doonaan daryeel iyo garsoor cadaalad ah, waxayna  March 2011 magcawday  Gudid lagu magcaabay  Gudida kormeerka Jeesha Dalka  oo ay xukuumaddu ugu talo gashay inay ka hawlgalaan xabsiyada, isla markaana warbixino ku saabsan xaalada xabsiyada iyo maxaabiista u gudbiyaan xukuumadda, balse gudidaa aan weli  wax hawlgal  ah samayn. Sidoo kale gudida  lagu magcaabo Xuquuqal  Insaanka Qaranka ayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo magcawday, kuwaas oo hore   u jiray. Laakiin aan wax raad ah ku lahayn hawlaha xuquuqda aadamaha kana  warqabin waxyaabaha ka dhanka xuquuda aadamaha ee ka dhacaya meelihii loo baahnaa inay ka war hayaan, kuwaas oo  u muuqda dad aan fahamsanayn hawsha loo xilsaaray iyo waajibka shaqo ee ay qaranka ugu magcaaban yihiin, isla markaana ay golaha wakiiladu ansixiyeen maanta.
Si kastaba ha ahaatee waxa soo baxaya dhawaaqyo muujinaya fadeexado  iyo tacadi ka taagan xabsiga dhexe ee Hargeysa, kaas oo dhowaan March 2011 lasoo gebagebeeyay dib u habayn iyo dib u dhis balaadhan oo lagu sameeyay xabsiga, kaas oo ay   Qarammada Midoobay ku sheegtay inay ku baxday  lacag gaadhaysa $ 1.5 million oo dollar, isla markaana loo qorsheeyay inuu xabsigu  qaadi karo  425 maxbuus. Sidaana loogu wareejiyay xukuumadda cusub ee Somaliland oo ay  qaramada midoobay dhamaystirtay dib u habayn mudo dhawr sannadood ah ka socotay.
By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *