Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka furay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa shirweyne qaran oo la xidhiidha toosinta dhaliilaha garsoorka  iyo cadaaladda dalka.

Shirkan oo socon doona muddo sadex cisho ah waxa ka soo qeyb galay Maxkamada Sare, Xeer Ilaalinta guud, sharci yaqano iyo culimo awdiin, xubno ka socday Ururada Bulshada  iyo daneeyayaasha dhinaca horumarka Somaliland, waxaana kulankaa la filayaa in lagu lafa guro mushkiladaha garsoorka iyo cadaaladda oo laga soo saaro qorshe hawleed lagu sixi karo nidaamka garsoorka dalka.

photo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shirweynahaa ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay siyaasada xukuumadiisu ku doonayso inay ku saxdo garsoorka dalka oo  ay horeba u balan qaaday, isla markaana ay cabasho badani ka jirto, isagoo qiray inay cadaaladda Somaliland marayso meel aad looga naxo oo aanu filayn.
Shirakaa  waxa kale oo uu Haya’ddaha ka soo qeyb galay shirweynahan ku booriyay inay soo saaraan qorshe cad oo laga duuli karo oo wax ka taraya garsoorka iyo cadaaladda dalka

photo

Khudbadii madaxweyne Axmed Siilaanyo ka jeediyay shirkaasi waxay u qornayd sidan:-
“Madaxda Dawlada, Ergada Shirka iyo Marti-sharafta waxa aan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka: Assalaamu-calaykum Wa-raxmatulaahi wa-barakaatu.
Mudanayaal iyo Marwooyin:
Garsoorka iyo Caddaaladu waa laf-dhabarta nolosha ummadda iyo dawladnimada wanaagsan, waana udub dhaxaadka diinteena.
Haddii ay qalloocdaanna wax waliba way innaga qalloocanayaan.
? Inkasta oo aan hubo inay hawl-wadeenada garsoorka iyo caddaaladu ku soo shaqeeyeen duruufo adag, isla markaana ay kaalin adag ka soo qaateen dhismaha dawladnimada Somaliland, haddana waxa aan la qarin karin saluugga ka jira garsoorkeena oo gaadhsiisan xaalad laga damqado, sida aan xogta ku hayana waxa uu u baahan yahay gurmad aqooneed iyo garasho xirfadeed, waana ta keentay inaan shirkan ku baaqo.
Mudanayaal iyo marwooyin, anigoo maanka ku haya in ay cadaaladu tahay waxa ugu mudan ee ay ummadu naga sugayso wax ka qabashadeeda. Mudadii yarayd ee aanu xilka haynay, si aan xogogaal ugu noqdo xaalada dhabta ah ee Garsoorka, iyo cabashada dadweynaha, waxaan kulamo kala duwan la yeeshay Guddida Caddaalda Qaranka iyo madaxda hay’adaha ee ku hawlan Garsoorka iyo cadaaladda, waxaanan ka dhagaystay warbixino mugleh oo ay kasoo ururiyeen dalkoo dhan.
Haday tahay Maxkamadaha, Booliiska iyo haday tahay xabsiyada intaba, taa waxa garab socday baadhitaan iyo daraasad uu sameeyey xafiiskaygu taasoo ay ku soo diyaariyeen caqabadaha Garsoorka, nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan cadaalad.
Warbixintaas waxa ka soo baxday xog la yaableh, oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga, manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto Somaliland gudaheeda.
? Haddaba Shir-hawleedkani waxa uu bilow u yahay siyaasad aqoon ku fadhida oo ay xukuumadaydu doonayso inay wax kaga qabato qabyada iyo goldoloolada Garsoorka iyo caddaalada.
? Mudanayaal iyo marwooyin, bahdii garsoorka iyo caddaalada cidi uma maqna, oo waa dhan tihiin. Waxa fadhiya Guddiyada Shuruucda ee Baarlamanka, Garsoorayaashii Maxakamadaha Gobolada iyo Degmooyinka, Garsoorayaashii Maxakadaha Rafcaanka, Maxakamadii Sare iyo Xeer Ilaalintii Gobolada dalka, aqoonyahanadii jaamacadaha ee sharciga, qareenadii, ururadii xuquuqal insaanka, culimaa’u-diinka, Booliiskii, Asluubtii, hoggaan dhaqameedkii, haya’daha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee la shaqeeya.
? Shirkan waxa hortaala su’aal culus oo ah inaad deristaan meelaha ay garsoorka iyo cadaalada dalku ka qaloocanyihiin, kana talisaan sidii loo toosin lahaa loona heli lahaa xal rasmi ah oo lagaga bogsado. Haddii ay noqon lahayd dhismaha haya’daha garsoorka iyo caddalada, haddii ay tahay qabyada ka jirta xeerarka, dhaqanka garsoorka iyo maxakamadaha, qiimaynta garsoorka iyo garsooraha, iyo nolosha xabsiyada.
? Waxa muhiim ah in la helo nidaam hurumarsan oo lagula xisaabtamo adeegayaasha sharciga sida: garsoorayaasha, xeerilaalinta, Booliiska, Asluubta, nootaayooyinka iyo cid kasta oo hawshaa bulshada u haysa. Nidaamkaasi waa inuu si cad u tilmaamaa ilaalinta, hufnaanta iyo anshaxa adeegaha sharciga iyo abaal marinta iyo ciqaabta uu mutaysanayo. Nidaamkaasina waa inuu yahay mid uu dadweynuhu kaalin ku leeyahay.
? ubadku waa xooggii ummada iyo hogaamiyayaashii mustaqbalka, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inuu kulankani ka baaraan dego duruufahooda garsoor iyo hannaankii sharci ee daryeeli lahaa.
? Mudanayaal iyo marwooyin, waxaynu doonaynaa inay Somaliland noqoto qaran ay ka hanaqaado dawladnimo la mahadiyo oo raaca sharciga oo cadaaladdu aasaas u tahay.
Si taa loo helo, waxaynu ognahay muhimadda uu Garsoorku u leeyahay xaqiijinta himiladeenaas, sidaa awgeed, waxa naga go’an in aanu isbedel muuqda oo la taaban karo ku samayno xaalada ay maanta ku sugan yihiin, annaga oo la kaashanayna aqoonta iyo talada bulshada.
? Saaxiibada Somaliland ee beesha caalamka, dawladaha deeq-bixiyayaasha iyo Haya’daha caalamiga ah ee naga caawiya hawlaha la xidhiidha Garsoorka, cadaalada iyo nabadgalyada, waxaanu ka codsanaynaa inay kaalmada ay ku bixinayaan hawlahan ku jiheeyaan meel marinta tallada ka soo baxda qorshaha xukuumada ee lagu hagaajinayo garsoorka iyo caddaalada Somaliland.
Guul ayaan idin rajaynayaa iyo in uu kulankani noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah jawaab u noqon kara su’aasha idin hortaala.
Wasalaamu calaykum wa-raxmatullaahi wa-barakaatu.” Ayaa madaxweynuhu qudbadiisa kusoo gebagebeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *