Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta furay Shir balaadhan oo dib loogu habaynayo Hay’adaha Garsoorka iyo Shurrucda Dalka kaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Hay’addaha ku lugta leh arrintaas ee Garsoorka, Ciidamadda

Booliiska iyo Asluubta iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamigu.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu halkaas ka jeediyay Qudbad aad u qiimo badnayd oo uu ku qiray Xog xafiiskiisu ka soo Ururiyay Hay’adaha Garsoorka Dalka inaanu waligii filanayay dhibaato intaa leegi inay ka taagan tahay, waxaanu ku tilmaamay inay Cadaalada Dalku marayso meel aad u liidata oo loo baahan yahay in shirkan laga soo saaro  Nidaamkii wax looga qaban lahaa.
Axmed Siilaanyo waxa uu ka soo qayb galayaasha u jeediyay inaan loo kala kicin ilaa laga soo saarayo talaabooyin muhiim ah oo lagu badbaadinayo Cadaalada Dalka, isagoo sheegay shirkan inuu u qabtay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhamaan Hay’adaha ay khusayso iyo dadka khibrada u lihi, waxaanu balan qaaday Xukuumadiisu inay fulinayso balanqaadkeedii ahaa in Garsoorka la sixi doono.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaran Xasan Axmed Aadan ayaa iyana dhinacooda ka qiray inay Cadaaladu marayso halkii ugu liidatay,  balse waxa ay sabab uga dhigeen Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qabyada Dastuurka  Qaranka ka muuqata, Hay’adihii Awooda u lahaa go’aanada qaar oo aan jirin. sida Qareenkii Guud ee Qaranka iyo Maxkamadii sare ee Dastuuriga ahayd oo aan dastuurku  qeexnayn ilaa heerka awoodeedu gaadhsiisantahay.
Sidoo kale waxa ay ku saleeyeen Bahda Garsoorku inaanay ilaa Ingiriiskii kadib aanay helin wax Adeeg ah oo lagu shaqeeyo, tusaale ahaana Dhismayaal, qalabka Xafiisyada iyo Isgaadhsiintii loogu kala adeegi lahaa Maxkamadaha, taas oo ay sheegeen inay ka mid tahay mushkiladaha garsoorka.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda Somaliland Proff: Ismaaciil Muumin Aar oo isna ka waramay mudadii uu xilka hayay ayaa sheegay inkastoo aanu sharci-yaqaan ahayn hadana uu arkay sida Cadaalada Dalku tahay inaanay ahayn si Ummada Qaran sheeganaysaa ay Cadaalad u hesho isagoo dhaliilay dhamaan Nidaamka sharci ee Dalka ka jira iyo ku shaqayn la’aanta Xeerarka Dalka yaala waxaanu culayska saaray Xeerarka Dalka yaala ee loo baahnaa in laga shaqaysiiyo inuu ka mid yahay Xeerka Carruurta oo ah mustaqbalkii Dalka
Si kastaba ha ahaatee shirka uu maanta Furay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa lagu soo bandhigay dhibaatada baahsan ee Dalka ka haysata Cadaalada Darada, waxaanay madaxdii ka hadashay soo jeediyeen in si dhakhso ah wax looga qabto. Kulankaa oo ay kasoo qaybgaleen in ka baddan 150 qof oo ka kala socda Hay’addaha garsoorka, asluubta, Ururada Bulshada, Culimada iyo hay’addaha caalamiga ah ee danaynaya sidii wax looga qaban lahaa mushkilada ka taagan cadaaladda iyo garsoorka, balse shirkan oo mudo saddex maalmood ah soconaya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Cadaaladdu waxa ka muuqday inaan ahmiyada laga leeyahay shirka iyo ujeedada nuxurka uu xanbaarsanaa qaban qaabadiisu aanay ka turjumayn, iyadoo  aan ahmiyad la siin warbaahinta si ay bulshadu ula socdaan dedaalka ay xukuumaddu ugu jirto in la saxo garsoorka iyo cadaaladda dalka oo  ahmiyad weyn u leh dalka iyo dadka waxa
Qudbada Madaxweynaha Somaliland oo ahayd mid si weyn u ruxday dareenka iyo shucuurta dadkii shirka kasoo qaybgalay waxaanu idiinku soo gudbinaynaa,  iyadoo dhamaystiran saacadaha soo socda. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *