silanyo atlanticHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray qoraal ka hadlaya go’aankii ka soo baxay

 

shirweynihii caalamiga ahaa ee lagu qabtay London oo lagaga hadlayay sidii loo caawin lahaa dawlada Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo oo qoraal uu kaga hadlayo warmurtiyeedkii  kasoo baxay shirkaa ayaa lagu baahiyay shabakadda Somaliland Government, wuxuuna qoraalkiisa  ku yidhi qoraalkaasi “Waxaan ku faraxsanahay in shirweynihii Soomaaliya isku raacay sii wadida wada shaqaynta Beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliya si loo dhiso nabada, degganaanshaha iyo barwaaqeynta gobolka. si kasta oo ay tahayba shirweynaha Soomaaliya waxa uu ku saxnaa inuu xuso horumarka siyaasadeed inuu sii ahaado furaha xaqiijinta degganaanshaha waqtiga fog ee Soomaaliya. Waxa aan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay madaxbanaanida siyaasadeed ee Somaliland ,taasi oo ka noqon doonta qayb muhiim ah, kana dhigaysa dhab ballanqaadka horumarka siyaasadeed.

Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay Somaliland, waxa ay qabsatay shan doorasho oo kala gooni ahaa, waxaan samaysanay hay’adihii dawliga ahaa oo shaqaynaya, waxaanan si buuxda uga qayb qaadanay dadaalka caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda gobolka oo dhan”.

Inkasta oo aan gaadhnay ayuu yidhi madaxweynuhu guulahani la taaban karo, isla markaana aan buuxinay waxyaabaha sharciga caalamiga ahi u aqoonsan yahay heerka dawladnimo, haddana Somaliland weli looma aqoonsan dawlad madaxbanaan. Waxa kale oo uu xusay madaxweynuhu, war murtiyeedka Ankara, waxaanu sheegay inay ka dhawrayaan wada xaajoodka u socda Somaliland iyo Soomaaliya inay keenaan xal siyaasadeed”. Ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *