bre1Adis Ababa(Araweelo News Network) Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Seylici  ay weheliyaan xubno  qoyskiisa ah ,  Wasiiro

Xukuumadda ka tirsan, Madaxda Xisbiga, ashkhaas  iyo tirooyin kale  oo dad ah ayaa weli ku sugan Xarunta Dalka Ethiopia ee Adis Ababa, iyagoo si habaqle ah u tegey halkaa dhawrkii maalmood ee ina dhaafay, islaa  doonaya inay u gudbaan dhinaca dalka Britain si ay uga qaybgalaan  xuska munaasibada 18 May oo jahliyadaha iyo qurbajooga ku nool Britain ku qabanayaan magaalada London.

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa sanad walba xuska 18 May dirta dad tiro badan oo isugu jira Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, labada gole Baarlamaan, sarakiil ka socota Xibul xaakimka iyo Sidoo kale ashkhaas iyo shaqsiyaad dana gaar ah laga leeyahay  oo la raaciyo xuska munaasibadaahaa iyo casuumaddaha dhinaca qurab jooga, kuwaas oo loo kala diro wadamada Maraykanka, Britain, Norwey  iyo meelo kale oo Yurub ah.

Hase yeeshee waxa qaar badan oo ka mid ah dadkaa adkaata in ay helaan ogolaanshaha Fiisaha ay doonayaan inay ku galaan dalalkaa, kuwaas oo ay carqalad ku noqoto tirada xad dhaafka ah ee  ay xukuumaddu doonay inay ka qayb galaan munaasinadahaa oo dhinaca Saafaraha kala kulma baadhitaan iyo su;aalo la xidhiidha ujeedada safarkooda, iyadoo tirada badan ee habaqlaha ah ay safaaradaha ku abuurto shaki iyo in ay dadkaasi intooda badan yihiin kuwo aan dib usoo laabanayn. Sidaana loogu diido fiisaha dal ku galka iyo ogolaanshaha casuumada munaasubadaha ay u socdaan , sida dhacday sanadkii hore oo sidan oo kale ay xukuumaddu dalka Britain doonaysay inay munaasibadaa xuska 18 May  kaga qaybgalaan in ka badan 50 qof oo isugu jiray Masuuliyiin, Xildhibaano. Oday dhaqameed,  shaqsiyaad caadi ah iyo dad kale ah, balse qaar badan oo ka mid ah dadkaa dib loo soo celiyay., iyadoo tirada ugu badan doonaysay inay ka qaybgalaan xuska 18 May ee lagu qabanayay dhinaca London.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo weli ku sugan Adis Ababa oo ay weheliyaan dad ku dhow 65 qof oo intooda badan u socdaan dalka Britain si ay uga qaybgalaan munaasibadaa  18 May ayaanay weli u suurta gelin inay u gudbaan cariga Britain, iyadoo la filayay in ay maanta Jicme ah helaan Fiisayaasha, balse sida ay sheegayaan wararku ay safaaradu hakisay tirada dadka ee badan awgeed, taas sababtay in wefdiga Madaxweynuhu weli kusii negaadi Adis abba oo ah xarunta dalka Ethiopia.

Sidoo kale Wefdi uu hogaaminayo Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo u yahay Sodoga (Baashe)  ee loogu magacdaray Moorgan  ayaa dhinaca dalka Maraykanka u kexeeyay dhawr qof oo uu ka mid yahay Safiirka Wareega ee Somaliland, kuwaas oo ay weheliyaan dhawr qof oo munaasibada 18 May  ee  lagu qabanayo cariga Maraykanka uga faa’idaysanaya  danohooda. Sidoo kale koox kale oo uu wato C/llaahi Balaaki oo ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland iyo shaqsiyaad  kale ayaa u baxay dhinaca dalka Norwey , waxayna tirada guud ee dadka xukuumaddu munaasibadahaa ugu talo gashay inay ka qaybgalaan lagu qiyaasay tiro aan ka yarayn 90 qof.

Laakiin waxa adag inay dhamaan u gudbaan wadamada ay usii jeedaan, iyadoo safaaradaha bixinaya Fiisuhu su’aalo iyo baadhitaan badan marinayaan, maadaama ay suurta gal tahay in dadkaa qaarkood ay adagtahay inay dib usoo laabtaan, ama sababo kale looga shakiyo.
Talaabooyinka noocan ah ayaa u muuqda kuwo nidaamka dawliga ah iyo qaranimada ka bixin kara sawiro xun iyo inay xukuumaddu munaasibadaha noocan ah uga faa’idaysanay qaab tahriib cusub ah oo aan lahayn qorshe iyo istiraatiijiyad, isla markaana waxay ka qaybgalka foodada ah ee munaasibadaha maalinta qiimaha badan ee 18 May ee  lagu qabanayo dalalka debedu  waxyeeli karaan  ogolaanshaha iyo xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Somaliland iyo wadamadaa iyo sidoo kale xidhiidhka ay Jahliyadaha wadamadaasi la leeyihiin dalalkaa.

Si kastaba ha ahaatee waxa la gudboon xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay wax ka bedesho qaabka ay u maamulay casuumadaha munaasibadaha Maalintan oo kale  oo ah Maalin qaali ah oo si weyn qaranimada iyo jrirtaanka Somaliland ugu xardhan , taas oo ay Muwaadiniinta Somaliland ee quraba joogu ku weyneeyeen wadamada ay joogaan  sidii loo xusi lahaa 18 May oo ah maalinta qaranimada Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *