waraysicnnLondon(Araweelo News Network)Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wada-hadaladda u socda dawladda Soomaaliya ay

 

u arkaan mid soo dedejinaysa in ay Somaliland ictiraafkeeda dhakhso u hesho, isla markaana ay rajaynayaan dhawaan ka mid noqoto dalalka caalamka. Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sidaasi ka sheegay waraysi uu habeen hore la yeeshay telefishanka caalamiga ah ee CNN gaar ahaana barnaamijka Show today, isaga oo wasiirku hawlo shaqo u jooga magaaladda London ee caasimadda Britain ayaa waxa uu waraysigaasi kaga hadlay qoddobo ay ka mid ahaayeen dedaalka ay Somaliland ugu jirto in ay beesha caalamka ictiraaf ka hesho, la dagaalanka argagixisadda, budhcad badeed, ammaanka iyo wada hadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Waraysigaasi uu telefishanka caalamiga ah ee CNN oo laga leeyahay dalka Maraykanka la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo ahaa mid toos ah (Live) iyada oo weriyuhuna fadhiday Studiyaha telefishanakaasi ee magaaladda Dubia, halka uu Wasiirkuna si toos ah shaashada ugaga jiray London. ka hor intii aanay weriyuhu waraysigaasi bilaabin ayaa waxa ay hordhac uga dhigtay warbixin kooban oo ay kaga hadashay sooyaalka taariikheed ee Somaliland, waxaanay ku bilowday “Soomaaliya waxay ku jirtay xaalad deganaansho la’aan iyo qalalaase ah dhawr iyo labaatankii sanno ee u dambeeyay, ka dib markii xukunka laga tuuray dawladdii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, laakiin Somaliland oo gobolkaasi(mandaqadaasi) ku taallaa waxay awood u yeelatay inay maamul samaysato, waxaanay Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-kii, waxaanay samaysatay dawlad dimuqraadi ah iyo lacag u gaar ah, Somaliland wax soo saar ugu weyn ee uu dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool oo ay u dhoofiso ama u iib gayso wadamadda Carabta.Sidoo kale dhaqaalaha dalku waxa uu ka soo gala lacagaha ay eheladooda u soo diraan dadka wadamadda dibadda ku nool, hadaba inkasta oo ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya, ayaanay hadana weli beesha caalamku u aqoonsan dawlad xor ah”.

intaasi ka dib ayaa weriyuhu waxa ay guddo gashay waraysigii ay la yeelatay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland,waxaanay ugu horayn la waydiisay su’aal ahayd maadaama oo Somaliland loo arko in ay u shaqaynayso sidii dawlad madaxbanaan, aragtida dadka reer Somaliland ay arrintaasi ka qabaan, waxaanu ku jawaabay “Somaliland waxay awooday in ay dhulkeeda ka abuurto nabadgeliyo iyo deganaansho, waana wadan jecel in uu wax la qabsado beesha caalamka, waxaanay Somaliland suurto gelisay dhamaanba waxyaabihii looga baahnaa dawlad dimuqraadi ah, taasina waxay muhiim u tahay in caalamku Somaliland siiyo aqoonsi, waxaanan filayaa haddii Somaliland ay aqoonsi hesho in ay wax badan kala shaqayn karto beesha caalamka sida amaanka,ladagaalanka budhcadbadeeda iyo argagixisadda, sidoo kale waxay Somaliland sanado badan ka qayb qaadanaysay horumarka qaaradda”.

sidoo kale Wasiirka oo la waydiiyay maadaama oo ay Somaliland ku taalo mandaqad ay ka jiraan budhcadbadeed, argagixiso iyo waxyaabo kale oo amaan darro ah, sida ay Somaliland uga hortagtay ama u waajahday in ay dhulkeeda ka badbaadiso si wax ku ool ahna wax uga qabato arrimahaasi.”Somaliland waxay xaqiijisay in aanay xuduuudaheeda soo gelin, isla markaana aanay wax hawlgalo ah ka fulin kuwa ku dhaqma falalka khariban, waxaananu wadamadda mandaqadda sida Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya oo aanu iska kaashano arrimaha amaanka, waxa kale oo aanu xaqiijinay in aanu nahay dal madaxbanaan oo amaan ah, taasi oo ay Somaliland ku soo jiidatay dalalka caalamka, waxaananu nahay dal aduunka ka doonaya in ay ictiraafaan, waxaananu ku rejo waynahay in aanu si deg-deg ah uga mid noqono beesha caalamka, wadahadaladda noo socda Soomaaliya waxaanu u aragnaa in ay soo dedejinayaan arrinta Ictiraafka Somaliland”

waxa kale oo ay weriyuhu wasiir Maxamed Biixi wax ka waydiisay su’aal la xidhiidhay arrinta xasuuqii shacabka Somaliladn ay u gaysatay dawladii milateriga ahayd ee Siyaad Barre, su’aashaasina waxa ahayd sidan: waxaa jirta in dawladii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ay xasuuq u gaysatay dadka Somaliland iyada oo xubno ka mid ah kuwa lagu eedeeyo in ay ka danbeeyeen falkaasina ay si xoriyad ah guddaha Soomaaliya u joogaan ugana shaqaystaan, maxay tahay talaabadda ku haboon in lagu ciqaabayo kuwaasi, “Wadahadaladii u danbeeyay ee aanu Soomaaliya ku yeelanay magaaladda Istaanbul ee dalka Turkiga bil ka hor dawladda Soomaaliya waxay qiratay in dawladii milateriga ah ee Siyaad Barre ay dadka Somaliland u gaystay xasuuq iyo waxyaabo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, waxaananu isla qaadanay sidii kuwii ficiladaasi ka danbeeyay cadaaladda loo horkeeni lahaa” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

info@araweelonews.comictiraafka

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *