Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay xeerka nidaamka ururada iyo Axsaabta siyaasada Somaliland ka dib markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtidu uu midba dhinaciisa cod aan  aqlabiyad

 

buuran ahayn  ku  meel mariyay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay war saxaafadeed kooban oo maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland, kaas  oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.
Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.”
Xeerkani waxa uu dhigayaa in dalka laga furi karo ururo siyaasadeed oo ku tartama doorashooyinka dawladaha hoose ee fooda inagu soo haya, kuwaas  oo la tartamaya  sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray, isla markaana waxaana sadexda urur ee ugu sareeya doorashooyinka goleyaasha deegaanku ay noqonayaan sadexda xisbi qaran ee jira muda toban sannadood ah.
Dhinaca kale dad baddan ayaa u arka arrinta furashada Ururada siyaasada mid dib u dhac ku keenay koboca nidaamka geedi socodka Somaliland iyo hanaanka dumuqraadiyada. Laakiin waxa jira aragtiyo kale oo iyagu ku doodaya inay furashada tartanka Ururada siyaasadu yihiin astaan horumar oo dhinaca dumuqraadiyada ah.
Xeerkaa Madaxweyne Siilaanyo saxeexay dhaqan galkiisa ayaa ahaa mid aan aqlabiyad buuran kaga gudbin labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo wakiilada, kuwaas  dhowaan ku meel mariyay. Kadib markii  cod loo qaaday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *