Mucaaradka ayaa galay Tripoli, caasimadda Libya

Tripoli(ANN) Dagaallo xoogan iyo duqayn NATO ka waday caasimada Libya ee Tripoli ayaa caawa saacadii danbe mar keliya shaashada Telefishinada laga arkay wiilka uu dhalay Qadaafi Seif Islaam oo weli ku sugan Tripoli, isagoo dhaleecaynaya dalalka reer galbeedka, isla markaana meesha ka saaray

inay qabteen mucaaridku iyo inuu aabihii Qadaafi ka baxay dalka, taas oo weji gabax ku noqotay warbaahinta reer galbeedka.

Wiilka uu dhalay Qadaafi ayaa soo baxay kadib dagaalo  sii xoogaystay  ayaa caawa ka soconaya caasimadda Libya ee Tripoli, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada mucaaradka iyo ciidamada daacadda u ah Mucaamaral Qadaafi oo weli ku sugan qaybo ka mid ah magaalada. Hogaamiyihii Libya Mucmar Al Qadaafi ayaan

weli war loo hayn halka uu ku danbeeyay. Kadib markii degmooyin muhiim ah oo ka mid ah Caasimida ay qabsadeen mucaaridka habqanka ah ee taageerada ka haysta quwadaha shisheeye ee huwanta N ATO. laakiin wiilkiisa ayaa saxaafada u sheegay, isagoo kiula hadlaya barxada Huteel weyn oo ku yaala Tripoli inay guulaysanayaan oo ay meesha ka saarayaan kuwa doonaya inay shacbiga libya qoxooti ka dhigaan oo burburiyaan magaalooyinkooda. wuxuuna Seif Islaam oo kumanaan taageerayaasha xukuumadda Qadaafi ahi isugu soo baxeen, halkaa isagoo garan yar oo gamaca gaaban xidhan iyo muraarayadaha aanu dhigin oo gadhku ku baxay ayuu ka muuqday barxada huteelkaa iyo gaadhi uu dusha uga baxayay isagoo ishaaraya inay guulaysteen oo uu yahay geesi aan cidna waxba ka qaadi karin.

 

Mucaaradka Libya ee doonaya inay soo afjaraan xukunka hoggaamiye Mucamar Al-qadafi ayaa sheegay inay hadda maamulaan inta badan caasimada dalkaasi ee Tripoli, laakiin waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Qafaafi ay wali haysteen xaafaddo qaarkood, isla markaana mucaaridku kala qaybsameen oo aanay ahayn kuwo isku xidhan, taas oo keentay inay ciidamada taabcsan qadaafi  oo  halkaasina ka wada iska caabin soo ceshadaan magaalada qaybo ka amid ah. Sawirro laga sii daayay TV-ga ayaa laga daawaday  dad badan oo ku dabbaal degaya fagaaraha loo yaqaan Barxadda Cagaaran, halkaas oo ay habeen walba ay ku bannaan bixi jireen taageerayaasha Qaddaafi. Fagaarahaas magaciisii hore wuxuu ahaa, Fagaaraha Naftood Hurayaasha, waxayna hada mucaaridku u bixiyeen fagaaraha xoriyada. laakiin mar kale ayaa caawa la arkay kumanaan taageerayaasha qadaafi ah oo isu soo baxay, kuwaas oo ishaaraya inay guulaysteen.

 

.
Dowladda Libya ayaa  sheegtay in 65 kun oo askari oo daacad u ah, Qaddaafi ay ku jiraan magaalada oo ay weli dagaalamayaan, iyadoo Hoggaamiyaha mucaaradka, Mustafa Abdel Jalil, uu ka digay in weli ay jiraan qaar is daafacaya meelaha qaar duleedka caasimada iyo xaafado magaalada ka mid ah.
Libyan leader Muammar Gaddafi. Photo/FILE

Mucaaradka ayaa sheegay in dagaalladan ay bilowdeen kaddib markii taangiyo ay ka soo baxeen dhismaha Qadafi ee Bab al-Aziziya oo ay markaa kaddibna rasaas fureen. Weli lama oga halka uu ku suganyahay Madaxweyne Qadaafi,  iyadoo wararka qaar sheegayaan in loo malaynayo inuu Qadaafi u baxay dhinaca dalka South Africa, taas oo soo baxday markii ay habeen hore yimaadeen madaarka Tripoli laba diyaaradood oo laga leeyahay Koonfur Afrika. inkasta oo Qadaafi fariintiisii u danbaysay ahayd inaanu ka baxayn caasimada ilaa ugu danbaynta. hadana warar kale ayaa sheegaya inuu u baxay dalka Kenya oo ka mid ahaa wadamada uu dhaaqaalaha badan ku caawin jiray mudadii xukunkiisa.

Mucaaridku waxay  sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba wiil oo uu dhalay Qadaafi, kuwaas oo kala ah Maxamed Qadaafi oo aan isagu qayb ka ahayn xukunka aabihii iyo Seif Islaam oo ahaa dhaxal sugaha hogaanka dalkaa, isla markaana si weyn usoo shaac baxay markii ay kacdoonadu ka bilaabeen halkaa lix bilood ka hor. Labada wiil ee uu dhalay Qadaafi ayaa midka lagu magcaabo laga sii daayay warbaahinta, iyadoo ay gudigiisa ilaalinayaan mucaaridku. Laakiin Seif Islaam ma jiraan warar xaqiijinaya inay gacanta ku dhigeen Mucaaridku. Sidoo kale Ilaa hadda ma muuqato astaan weyn oo taa markhaati kacaysa inay Maamulka Qadaafi ka dhamaadeen halkaa iyo inay mucaaridku gacanta ku hayaan dhamaan caasimada. balse duqaynta dhinaca cirka ah ee Qadaafi ku socotay mudada  lixdii bilood ee u danbeeyay waxa dhinac socday hub iyo qalab casri ah oo ay mucaaridka siinayeen dawladaha huwanta NATO, iyadoo ay dagaalka lagu qaaday Qadaafi qayb weyn ka ahayd  warbaahinta reer galbeedka oo dagaal borobagaando iyo dacaayado ka dhan ah xukunka Qadaafi soo bandhiyay.

Dagaalkan ka socda caasimadda Tripoli ayaa bilaabmay kaddib markii mucaaradku ay soo jiidheen difaacyadii ciidamda Qadaafi u yiilay banaanka magaalada shalay oo ay soo gaadheen fagaaraha cagaaran oo ku yaalla badhtamaha caasimada,  halkaas oo kumanaan dadka degaanka ah ay dabaaldegyo ka sameeyeen iyagoo soo dhaweeynayay mucaaradka.
Hase yeeshee warar qaar ayaa sheegaya inay magaalada ka bilaabantay fawdo iyo kala danbayn la’aan, taas oo ka danbaysay. Kadib markii hubkii xarumaha milateriga oo la bililiqaysaty u gacan galay kooxo dhalinyaro ah, kuwaas oo aan cidna ka amar qaadan. Dalalka shishiyee ee doonayay inay ka saaraan meesha xukunka Qadaafi ayaa hada ka cabsi qaba inay xaaladu faraha ka abxdo, iyadoo aan la saadaalin karin waxa kasoo baxay dhamaadka xukunka Qadaafi ee 42 sanadood oo uu dalkaa xukumayay. 

Araweelonews Mobile
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *