Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa soo saaray Go’aan gudida cadaaladdu xilkii kaga  qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa oo lagu eedeeyay inuu maxaabiis xukuman ka iibiyay xadhigii.Wasiirku waxa
uu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa, kaas oo  u qornaa sidan:-  “Wasaarada Cadaallada iyo Garsoorku iyadoo cuskanaysa Qodobka 106-aad ee dastuurrka qaranka oo qeexaya in Wasaaradda cadaalladu u xilsaaran tahay fulinta Go’aamada Guddida Cadaallada.
Gudida Cadaalladdu markii ay arkeen danta guud ee cadaallada ee ay arkeen Qodobada 107, 108 ee dastuurrka qaranka.
Markii ay arkeen dood dheer iyo falanqeyna ay ka yeesheen dacwad la xidhiidha Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa oo farro gelin ku sameeyay maxaabiis xukuman oo xadhigii ka iibiyay, dacwaddaasi oo uu u soo gudbiyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland.
Sidaas darted, waxa Guddida cadaalladdu ay go’aamiyeen qodobadan:-
1)- In laga diiday Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka maamuus ka xayuubintii iyo dacwad ka hor oogidii Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa.
2)- In shaqadii laga saaray Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa, laga bilaabo fadhiggii guddida Cadaalladda oo bishu ahayd 21/08/2011.” Ayaa lagu yidhi qoraalka wasiirka Cadaaladda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *