Saylac(ANN)Dadweyne gedoodsan ayaa saaka hor istaagay munaasibad la doonayay in xilka loogu kala wareejiyo Maayarkii hore ee Saylac Maxamed Cumar Haddi iyo Maayarka dhowaan loo doortay ee muranku ka taaganyahay.

sida ay shebekada wararka ee araweelonews u xaqiijiyeen dad goob joog ahaa waxay dadkaa cadhaysani saaka kusoo xoomeen xarunta dawlada Hoose ee Salayc. kadib markii ay ka war heleen xil wareejintaa oo ay si weyn u diideen, kuwaas oo isku deyey inay weeraraan Badhasaabka gobolka Selel oo doonayay inuu xilka u kala wareejiyo masuuliyiintaa iyo sarkaal ka socday wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland. Laakiin Ciidanka Booliska ayaa agaasimihii ka socday wasaaradda arrimaha gudaha ka badbaadiyay halkaa iyagoo geeyay saldhiga ciidanka Booliska.

sidoo kale waararka ayaa sheegaya in dadka cadhaysan ay halkaa ku gubeen gaadhi Lancruser ah oo uu lahaa Maayarka xilka wareejinayay Maxamed Cumar Haddi oo qoraal kusoo gudbiyay xil wareejinta balse aan goobta joogin oo ku maqnaa Cusbitaal dhinaca dalka Djibouti ah.

dadka cadhaysan ayaa waxa kale oo ay khasaare u geysteen gaadhi kale oo uu lahaa Maayarkii hore. sidaana ay ku baaqsatay xil wareejintii Maayarka cusub ee Saylac iyo golaha deegaanka ee cusub xilka kula wareegi lahaayeen.

rabshadahan ayaa daba socday rabshado mudaharaad shalay ka dhacay halkaa oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaas oo ka dhashay natiijadii doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 Nov 2013.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *