Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Switzerland oo socdaal laba maalmood qaadanaya  ku yimi Somaliland. Sidaana  waxa lagu sheegay
war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/llaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo  u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hogaaminaayo Safiirka Wadanka Switzerland u qaabilsan wadamada Kenya, Burundi, Rwanda, Uganda, Somaliland, Somalia iyo Seychelles Jacques Pirouetted.


Weftigan oo ka koobnaa 3 xubnood waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay salka ku hayso sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada taabo-galka dimuqraadiyada, horumarka, & nabagelyada, waxaana uu xusay inay dawladoodu danaynayso sidii ay wada-shaqayn buuxda ula yeelan lahayd Somaliland.
Waxa uu safarkiisu intaasi ku daray in socdaalkoodan ay ku joogayaan wadanka muddo 2 maalmood ah, isla-markaana ay la kulmayaan Labada Gole ee Baarlamaaanka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo Ururada Bulshada.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mahadceliyay safiirka safarkoodan waxaana uu uga waramay maraaxilkii kala duwan ee ay Somaliland soo martay mudadii 20 sanadood ee ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda, Madaxweynuhu waxa uu muujiyay inay Somaliland diyaar u tahay wada shaqayn iyo xidhiidh adag oo ay la yeelato wadamada beesha caalamka oo ay Switzerland ka mid tahay.
Dhinaca Xukuumada waxa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Rashiid Sh. Xasan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada kulankaa ka dib.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *