Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa iska fogeeyay eedo la xidhiidhay inuu ka dambeeyay dhalinyaro xalay rabshado ka sameeyay xaflad lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo taageero loogu raadinayay furashada ururada

 

siyaasada.
Muj Muuse Biixi, waxa uu sheegay inaanu xisbigiisu shuqul ku lahayn kana dambayn rasbashado xalay ka dhacay xafladaasi waxaanu tilmaamay inuu ka xun yahay wixii ka dhacay madashaa oo ay ahayd fool xumo.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sidaa ku sheegay mar uu  maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland,  wuxuuna ku dooday in xisbigiisu ay ka dhursugayaan tallo soo jeedinta Guddida qaran ee Madaxweynuhu arrintaa u xil saaray inay ka soo tallo bixiyaan in la furo ururada siyaasada iyo in kale. Muj. Muuse Waxa uu ammaan u soo jeediyay ciidammada Booliska oo tallaabo ka qaaday xubnihii dagaalka ka dhex abuuray kulankaa xalay.
Maxamed Cumar Carte, oo ka mid ahaa dadka   soo qaban qaabiyay xafladii xalay ayaa BBC-da u sheegay in qaskii ay ka sameeyeen koox dhalinyaro ahi inay ka dambeeyeen xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo aanu magacaabin kuwa ay yihiin. Sidoo kale waxa iyaguna rabshadaa la xidhiidhay xisbiga Kulmiye muj. Ibraahin Dhega weyne iyo xubno kale oo xalay ka hadlay kulankaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *