images/stories/u_15992d_2010-7-10-6-30-33f_getattachment.jpg      Hargeysa(ANN) Gudida dhowaan uu Madaxweynaha Cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u xilsaaray inay kasoo taliyaan qaabka loo samaynayo dawlad kooban oo tayo leh ayaa markii u horaysay soo bandhigay qorshaha talooyinka ay u gudbiyeen Madaxweynaha cusub.

 

 

Gudidaa oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood oo maanta kulan ay saxaafada kula hadlayeen ku qabtay Huteelka maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay qaabka ay ku talo bixiyeen in loo dhiso Hayadaha dawlada iyo tiradooda, waxayna sheegeen inay soo jeediyeen inay dawlada cusubi ka koobnaato 15 wasaaradood, kuwaas oo aan lahayn wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal toona.balse yeelanaya waaxo Agaasin ah(Directress).

Qoraal ay ku shaxeeyeen talooyinkooda oo uu madasha ka akhriyay xoghayaha gudidaa Maxamed faarax, waxayna qaabka loo qorsheeyay wasaaraddaha yihiin sidan;-

Wasaaradda arrimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah oo yeelanay agaasinka arrimaha debeda, agaasinka arrimaha iskaashiga caalamiga ah iyo agaasinka arrimaha qurba jooga.

  wasaaradda arrimaha gudaha oo yeelanay agaasinka arrimaha amniga, agaasinka arrimaha qoxootiga iyo barokacayaasha, agaasinmka arrimaha socdaalka iyo agaasinka horumarinta iyo iskaashiga dawladaha hoose.

Wasaaradda maaliyada iyo qorshaynta oo yeelanay agaasinka qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha, agaasinka lacagta iyo agaasinka maaliyadda.

Wasaaradda Difaaca oo yeelanay agaasinka hawlgelinta, agaasinka tabobarada, agaasinka saadka, agaasinkaa naafada iyo agoomaha iyo waaxda uririnta taariikhda halganka.

Wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha oo yeelanay agaasinka ganacsiga, agaasinka wershedaha iyo agaasinka maalgelinta .

Wasaaradda xanaanadda xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga oo yeelanay agaasinka xoolaha, agaasinka deegaanka iyo agaasinka horumarinta reer miyiga.

Wasaaradda Beeraha, tamarta iyo macdanta oo yeelanay agaasinka Biyaha, agaasinka tamarta iyo agaasinka macdanta.

Wasaaradda arrimaha diinta iyo garsoorka, agaasinka arrimaha diinta iyo agaasinka garsoorka.

Wasaaradda  Caafimaadka, agaasinka caafimaadka guud, agaasinka daweynta, agaasinka shaqaalaha iyo saadka iyo agaasinka maamulka iyo Logistikada.

Wasaaradda waxbarashada , agaasinka Dugsiyada oo noqonaya Dugsiyada Hoose dhexe, Dugsiyada Sare iyo dugsiyada farsamada .agaasinka horumarinta manaahijta iyo tababarka macaalimiinta, agaasinka Tacliinta sare.

Wasaaradda warfaafinta, isgaadhsiinta iyo tignoolojiyada oo yeelanay agaasinka warfaafinta, agaasinka isgaadhsiinta, agaasinka tiknoolojiyada.

Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka oo yeelanay Maamulka Dekedaha, maamulka Duulista hawada, maamulka wadooyinka iyo agaasinka guriyenta.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada oo yeelanay agaasinka shaqada, agaasinka arrimaha Bulshada, hawlgabka, naafada, agoomaha, iyo agaasinka arrimaha haweenka.

Wasaaradda dhaalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka oo yeelanay agaasinka dhalinyarada, agaasinka ciyaaraha iyo agaasinka dhaqanka iyo taariikhda qaranka.

Hayadaha Dastuuriga ah.

Baanka dhexe.

Xeer Ilaaliyaha Guud

Hanta Dhawraha qaranka.

Gudida Garsoorka.

Gudida Culimada.

Xisaabiyaha Guud.

Hayada Shaqaalaha.

Hayadaha Xeer Baarlamanteriyan sameeyay.

Gudida Doorashooyinka Qaranka

Hayada Abaabul ka saarka.

Hayada ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah.

Gudida qandaraaska qaranka.

Hayadaha Digreeto Madaxweyne lagu sayeeyay.

Gudida dib u habaynta shuruucda.

Gudida la dagaalanka AIDS-ka

Gudida Ilaalinta Tayada.

Gudiyada lasoo jeediyay.

Gudida la dagaalanka musuqmaasuqa.

Gudida Madaxa Banaan ee warbaahinta iyo isgaadhsiinta.

Diiwaanka sekada.

Gudida tacliinta sare.

Madaxtooyada Agaasimaha guud ee Madaxtooyada,waaxda sharciyada, La taliyayaasha, xoghayaha warfaafinta, Maamuuska.

Saacadaha shaqada saacadaha shaqada dawladu waxay bilaabmaysaa 7 subaxnimo ilaa 2 duhurnimo, waxayna gudiddu ku talisay in sidaa loo shaqeeyo lixda bilood ee u horeeya, wixii ka danbeeyana la shaqeeyo labada gelinba.

Sidoo kale waxay gudidu ku taliyeen in wasaaradaha leh dhawr agaasin mid ka mid ahi uu noqonayo agaasimaha guud, iyadoo dadka buuxinaya jagooyinkaa agaasinka  lagu xulanayo aqoontooda khibradoodaiyo daacadnimadooda.

 

 Magacyada Gudida la magacaabay

  

 1.        Muuse Biix Cabdi                                  Gudoomiyaha Gudidda

  

2         Dr Adna Aadan Ismail                            Gud Kuxigeenka Gudidda

 

 

 

3.         Prof Xuseen Bulxan

 4         Dr Maxamed Siciid Gees

 5        Dr Maxamed Rashiid

 6         Prof Ismail Muumin Aar

7         Abdirizaak   Khaliif Ahmed

8         Dr Maxamed Cabdi Gaboose

9        Dr Xuseen Maxamoud Xoog

10       Xil Dr Ahmed Kijaandhe

 11       Eng Maxamed Xashi Elmi

12     Xil Cabdiraxman Yusuf Cartan

13        Sheekh Maxamed Ali Gadhle

14      Muniir Abusite.”

 

 

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *