Berbera(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa duleedka Magaalada xeebta ah ee Berbera kula kulmay Saraakiil ka socotay Dawlada Britain oo ku sugnaa

 

Markab kuwa Dagaalka ah oo ku xidhan meel aan ka fogayn Dekeda.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen xubno ka mid ah golihiisa Wasiirada iyo Marwadiisa ayaa maanta Diyaarad khaas ah subaxnimadii ka raacay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, si ay uga qaybgalaan Munaasibad qiimo badan oo Ciidamada Bada Somaliland loogu soo xidhay tababar la xidhiidha la dagaalanka budhcad-badeeda iyo ilaalinta amaanka Badda, kaas oo ay dawlada Britain door ku lahayd, isla markaana ay ka qaybgaleen saraakiil ka socotay Dawlada Britain.

Xafladaa oo lagu qabtay Markab kuwa Dagaalka ee Britain oo ku xidhnaa duleedka Dekedda Berbera, balse markii ay dhamaatay munaasibada tababarka loo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Somaliland, waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu fuuleen Markabka dushiisa oo ay kulan qado ah ku wada yeesheen.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Safiirka Britain Ambassador Neil Wigan, Kabtanka Markabka, Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland iyo Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland oo hadalo ka jeediyay halkaa.

Ambassador Neil Wigan oo booqasho ku yimi caasimadda Hargeysa shalay, wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, kaas oo ay kaga wada hadleen waxyaabo baddan, wuxuuna shalay sheegay in Markabkaa oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Britain, isla markaana ku sugan duleedka Dekedda Berbera ay ku balansan yihiin Madaxweynaha Somaliland, isagoo xusay inuu hore u yimi laba jeer sidan oo kale Dekedda Berbera November ee 2013 iyo July 2011, sidaa awgeed imaatinka xiligan ee Markabka dagaalka ee Britain aanay booqashadiisu markii sadexaad 7 Oct, 2014, aanu  ku cusbayn Dekeda Berbera.
Halkan ka dhegeyso cododka masuuliyiinta ka hadlay kulankaa ee Somaliland iyo Britain Riix.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *