Nairobi(Araweelo News Network) Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka xaadiray Maxkamadda denbiyada Dagaalka ee ICC. Kadib markii lagu eedeeyay in uu galay denbiyo dagaal doorashooyinkii dalkaa

ka dhacay 2007, kuwaas oo ay ku nafwaayeen rabshado ka dhacay boqolal qof.

Maxkamadda Denbiyada Dagaalka, ayaa hore ugu eedeysay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku xigeenkiisa Wiliam Ruto iyo saraakiil kale in ay ku lug lahaayeen denbiyo xasuuq oo dhacay 7 sanadood ka hor, balse Uhuru iyo Ruto waxay beeniyeen in ay wax lug ah ku lahaayen denbiyada lagu eedaynayo.

Eedaha maxkamadda denbiyada Dagaalka ayaa sii xoogaystay markii ay labada nin ku guulaysteen doorashooyinkii ugu danbeeyay eek a dhacay Dalka Kenya, waxaana waqtigaa doodo baddani ka dhasheen sida Madaxweyne la doortay oo haysta codka shacabkisa, isla markaana huwan sharafta iyo karaamada qarankiisa loo horgeynayo Maxkamad sidan oo kale ah isagoo haya xilka.

Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa ku gacansaydhay dalabka xaakinka maxkamadda denbiyada Dagaalka ee Hague, balse ugu danbayntii Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa go’aansaday inuu hortago maxkamadda si uu isaga difaaco denbiyada lagu eedaynayo.

Madaxweyne Uhuru, ayaa maanta ka duulay dalkiisa, isagoo usii jeeda dalka Nedarland  ee xarunta Maxkmadda denbiyada dagaalka ee Hague, wuxuuna ku wareejiyay xilka Madaxweynaha ku xigeenkisa sida uu dhigayo dastuurta dalka.

Uhuru Kenyata waxa sii raacay xubno ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya iyo xaaskiisa, waxaana la filaya in la guda galo eedaha loo haysto Arbacada 8 Oct 2014.

Madaxweynaha Kenya  Uhuru Kenyatta ku  Xigeenkiisa, Wilam Ruto iyo siyaasiyiin kale oo dowlada ku jira waxa u yaala  maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC oo fadhigeedu yahay magaalada The Huge ee wadanka Nedarland eedo la xidhiidha xasuuq iyo gabood fal ka dhan ah bini aadanimada. Kadib doorashadii sanaddii 2007, taas sababtay in ay ku dhintaan dad kabadan kun qof kadib markii ay Railla Odinga iyo Mwai Kibaki isku qabteen natiijadii kasoo baxday doorashadii waqtigaasi dhacday.

Mr. Kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya wuxuu noqonayaa Madaxweynihii u horeeyay ee si dumuqraadi ah loo doorto ee hortaga maxkamadda denbiyada dagaalka ee ICC, taas oo wadamo baddan oo dunida ah aanay aqoonsanayn, isla markaana hogaamiyaal baddan oo dunida sadexaad ah u dirtay saman, balse markii ay dhegaha ka furaysteen waaran qabasho ah u dirtay, waxana hogaamiyayaashaa ka mid ah Madaxweynaha Dalka Soodaan Cumar Xasan Al-bashiir.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *