Madaxweynaha Kililka Soomaalida Ethiopia Cabdi Iiley Oo Cagta Mariyay Xubnihii Mucaaradka Ku Ahaa

Jig-jiga(Araweelo News Network)Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee xaruntiisu tahay Jig-jiga, ayaa meel iska dhigay

 

muran mudooyinkii u danbeeyay u dhexeeyay. Kadib markii shir uu yeeshay xibiga is maamulka Soomaalida Ethiopia oo ka dhacay magaalada Fiiq ee Gobolka Nogob oo magaalada jig-jiga 200km kaga beegan dhinaca Koonfureed.

Sida ay sheegeen warar shebekadda Araweelo News Network ka heshay deegaankaa, ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Iileey, ku guulaystay shir golaha dhexe ee xibiga uu yeeshay maalmihii u danbeeyay in uu  meesha ka saarayo 7 xubnood oo ka mid ahaa mucaardka ugu adag ee mudooyinkii u danbeeyay uu laf ka feenanwaayay, kuwaas oo ka mid ahaa xubnaha gudida fulinta oo ka kooban 11 xubnood.

Khilaafka u dhexeeyay hogaanka sare ee gudida fulinta Xisbiga Dumuqraadiga Dawlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo dacwado ka gudbiyay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Iileey, taas oo sababtay in madaxda dawlada Federaalku ku kala qaybsanto muranka iyo khilaafka u dhexeeyay hogaanka sare ee madaxda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, balse Madaxweyne Cabdi Iiley, ayaa hadda u muuqda inuu jir-jirka u seexanayo. Kadib markii uu cagta mariyay saaxiibadiisa ay mudada soo wada shaqaynayeen, kuwaas oo aan la saadaalin Karin waxa ay la kulmi doonaan mar haddii laga guulaystay oo laga xayuubiyay xilalkii ay hayeen, isla markaana uu meesha ka saaray hankoodii ahaa in ay ka takhalusaan Cabdi Maxamuud Iiley oo ah nin si weyn u dhexgalay dawlada Federaalka Ethiopia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *