Tripoli(ANN) Xaalada dalka Libya ayaa faraha ka baxday dhawrkii maalmood ee u danbeeyay. Kadib  duqaymo dhinaca cirka ah iyo weerar lagu asqeeyay  xaruntii Mucmar Al-qadaafi ee Baabal Caiisiya, taas oo keentay inuu ka baxo halkaa, isla markaana fariimo is daba jooga oo uu soo diray

wixii ka danbeeyay maalintaa, kuwaas oo uu gu baaqayo shacbiga Libya inay iska difaacaan wuxuu ugu yeedhay cadawga soo weeraray ee NATO iyo mucaaridka ay wataan.
Fariimahaa  waxa uu ku sheegay inuu isagu yahay ka guulaysanaya ugu danbaynta, waxayna dhawaaqyada Qadaafi kusoo beegmeen, iyadoo ay Mucaaridku iclaamiyeen in lagu abaalmarinayo qofka keena Madaxii Qadaafi, ama soo qabta 2Mly oo dollar, taas oo uu bixinayo ganacsade u dhashay dalkaa. Laakiin dhawaaqa abaalmarinta geeri iyo Nolol madaxii Qadaafi iyo fariimaha uu ugu baaqay taageerayaashiisa ayaa muujiyay astaamo hor leh oo gogol- xaadh  u noqday inay dagaalada sii socdaan, isla markaana ay  qaybo kla mid ah Tripoli qaar taaageerayaashiisu weli ka dagaalamayaan, kuwaas oo soo kordhaya.


Cusbataalada magaalada Tripoli ayaa qaarkood buuxsameen , iyadoo dhakhaatiirta iyo kaaliyaashu la jaah wareereen dhaawaca iyo maydadka lagu soo daabulayo Cusbitaalada oo aanay wax dawo iyo adeeg kale toona u ahyn, waxaana laga dayrinayaa laydhka, cuntada iyo biyaha oo gabaabsi noqday magaalada.


Mucaaridka ayaa awoodi waayay inay hantaan amaanka magaalada caasimada ah oo aan weli gacantooda soo wada gelin, balse ay inta baddan  ka muuqdaan malayshiyadoodu, waxayna u qalab qaateen dhinaca Magaalada Sirta oo ahmiyad weyn u leh gacan ku haynta Tripoli iyo Benghazi , isla markaaana xidhiidhisa, taas oo ay qabaa’ilka Qadaafi khaas ku yihiin. Waxaana hada muuqda astaamo muujinaya inay  xaaladu faraha kasii baxayso,  iyadoo warbaahinta  qaarkeed soo  gudbiyeen calaamadu muujinaya inuu si hoose u socdo dagaal qabaa’il oo kala qaybiyay mucaaridka laftooda, isla markaana waxa  laga wer wersanyahay in haddii ay sii socdaan dagaalada hada socdaa ay arrimuhu faraha ka baxayaan.


NATO ayaa ka wer wersan  xaalada cakiran ee ka jirta dalka Libya, iyadoo aan la saadaalin karin waxa ay ku jawaabayaan Qadaafi iyo taageerayaashisa, “Libya waxay leedahay Illaahay, waad aragtaa waxa dhacaya iyo sida ay wax u socdaan fowdada, may jirin  intii uu  Qadaafi  joogay” sidaa waxa tidhi haweenay uu kula kulmay duleedka Cusbitaalka Baabal casiisiya suxufi ka mid ah kuwa warbaahinta reer galbeedka.   Albaaabadu hada way furan yhiin, qabaailkuna iyagaa is ilaalinaya, waxa muuqata khatar aan cidna kaanatarooli karin dalka cida soo gelaysa, waxaana la bililiqaystay waxyaabo baddan oo mihiim ah. Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha dhinaca nabadgelyada ee xukuumaddii Qadaafi, kaas oo sheegay in xaruntaa laga qaatay wixii yaalay ducumentiyo, iyadoo faylasha qaarkood ay ahaayeen kuwo muuqaalo sir ah oo ay Haya’ddaha amaanku gacanta ku hayeen, isla markaana waxa uu xusay inay ku jareen magacyo shaqsiyaad si weyn looga shakisanaa inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah sida Al Takfir  wal Hijra oo 1960 laga sameeyay halkaa. Sarkaalaa ayaa sheegay inay waxyaabo baddan oo macluumaad ahi u gacan galeen dad aan la garanayn, isla markaana y cid walba hada soo geli karto dalka.
Dhinaca kale wadamada NATO ayaa dalalka jaarka ay xuduuda wadaagaan Libya ugu baaqay inay xidhaan xuduudohooda, maadaama la rumaysan yahay in dhawr kun oo walxaha Nukliyerka iyo kimikada oo raadadkooda lagu arkay fadhiisimihii muhuumka ahaa ee Qadaafi ay u gacan galaan koxaha xag jirka ah iyo dad si kale uga faa’idaysta, waxayna NATO uga digtay mucaaridka in aanay xaalada ka dhigin fawdo. iyadoo waxyaabo Documentiyio sir ah oo   laga qaatay dhismihii Qadaafi ee Baabal casiisiya keeneen kashifaad. Kadib markii waraabinta lagu soo bandhigay haweenaydii  xoghayaha arrimaha debeda ee maamulkii Bush  Condoleezza Rice iyo  Qadaafi muuqaalo sawiro ay leeyihiin  oo si weyn sharaxaad looga bixiyay, isla markaana lagu tilmaamay jacayl ka dhexeeyay Qadaafi iyo Condoleezza. Kadib markii ay booqatay Tripoli  Sep. 2008.


Haweenayda lagu magcaabo Catherine Ashton  oo Midawga Yurub  u qaabilsan siyaasada debeda  ayaa sheegtay inay Midawga Yurub, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carbta  iyo Ururka Islaamka ugu   baaqayaan Oo Ku Baaqay  inay mucaardku talaabo qaadaan oo   la sameeyo shir dib u heshiishiin oo laga qayb geliyo qaybaha kala duwan ee bulshada, mucaaridka iyo dhinaca dawladii Qadaafi ee xukunka laga tuuray, si loo joojiyo ayay tidhi dhiiga daadanaya.
Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa xaalada dalka Libya ku tilmaamay mid cabsi leh, wuxuuna Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Ban Ki-moon oo la hadlayay wakiilo ka socday AU iyo EU sheegay in aanay ka maarmayn in Libya loo diro ciidamo boolis caalami ah oo ilaaliya amaanka, isla markaana qaybiya sahayda dawooyinka iyo gar gaarka. Laakiin wadamada Ururka Midawga Afrika  ayaa iyagu ku kala qaybsan xaalada dalka Libya iyo sida loola macaamilyo mucaaridka qabsaday halkaa. Mucaaridka ayaa ka cabanaya inay soo waajahday dhaqaalle daro, isla mrkaana waxa muuqata kala qaybsanaan mucaaridka gudihiisa ah, taas oo fursad siisay taageeryaasha Qadaafi ee xukunka laga tuuray oo hada dib isu soo abaabulaya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *