Hargeysa(ANN) Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa nin aan saaxada siyaasada Somalia hore ugu jirin, balse si lama filaana uga soo dhexbaxay dhawr iyo labaatan musharax oo isugu jiray shaqsiyaad hore

siyaasada ugu jiray,
aqoonyahano ku cusbaa saaxada siyaasada iyo masuuliyiin uu hormood u ahaa Madaxweynihii hore ee dawlada KMG ah, isla markaana dhamaantood u tartamayay doorashada Madaxweynaha Somalia , ayaa natiijadeedu ku dhamaatay ugu danbayntii inuu Madaxweynaha cusub Xasan Sh. Maxamuud aqlabiyad weyn kaga guulaysto wareegii labaad ee doorashada. kadib markii  ay ka hadheen laba ka mid ahaa tartamayaasha usoo gudbay wareega labaad ee doorashada, kuwaas  oo iyagu ka tanaasulay tartanka.
Mr. Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxweynaha la doortay, wuxuu ahaa  shaqsi aan  saaxada siyaasada Somalia hore ugu jirin. sidaa awgeed waxay natiijada doorashadu ku noqotay la yaab  dad badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah iyo dunida kale ee la socotay arrimaha Somalia, taas oo  natiijadeedu waxba kama jiraan ka dhigtay wixii ka danbeeyay xiliggaa saadaalo iyo falanqayn lagu odorosayay hogaanka siyaasada Somalia, kuwaas oo aan xataa mar keliya magaciisa lagu xusin. Balse wixii  markaa ka danbeeyay waxay warbaahinta caalamiga ah iyo ta geyiga Soomaaliduba is weydiinayeen su’aalo la xidhiidha hogaamiyaha cusub  iyo sidii ay  rayal caamka bulshadu su’aalaha ay   is weydoiinayaan ee jawaabaha u raadinayaan ugu heli lahaayeen warbaahintu.
Qaar badan oo ka mid ah, ayaa isku deyay inay ugu yaraan gartaan madaxweynaha la doortay muuqaalkiisa iyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen, kuwaas oo wararka iyo macluumaadka ku saabsan kala socday warbaahinta caalamiga ah,  ta maxaliga ah iyo shaashadaha Telefishanada  iyo Internetka .
Somaliland waxay dad badan oo bulshada ka mid ah oo shaashadaha Telefishanada iyo dhinaca ineternetka  kala socdeen doorashadaa iyo natiijadii lama filaanka ahayd ee ay ku dhamaatay, balse waxa markiiba soo baxay in Madaxweynaha cusub ee Somalia marar badan yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoo aanu xiliggaa ku jirin saaxada siyaasada.
Hase yeeshee markii la doortay 10 Sep 2012 Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa shaqsi aan hore muuqaalkiisa iyo magaciisa midna loogu arag fagaarayaasha saaxada siyaasada Somalia, taas oo keentay inay dad badan is weydiiyaan madaxweynaha la doortay, shaqdiisii, shaqsiyadiisa  iyo  wixii uu qaban jiray, waxaana soo baxay in Xasan Sheekh Muumin marar badan oo kala duwan booqasho ku yimi Somaliland, isagoo ujeedooyin iyo mawduucyo kala duwan u yimi.
Cabdirisaaq Jibriil (Cabdi Madhab) oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, isla markaana ka mid ah dadka ka shaqeeya geerashyada
magaalada Hargeysa, ayaa ugu sheekeeyay weriye ka tirsan shebekada araweelonews qiso dhexmartay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somalia iyo ninkaa farsamayaqaanka ah.
“Anigu ma lama socon doorashada. laakiin saaxiibkay C/raxmaan Gaaxnuug oo ka mid ah saaxiibada aanu wada shaqayno, ayaa ila soo hadlay habeenkii doorashada Somalia markii lagu dhawaaqay, wuxuuna igu yidhi, “madaxweynaha la doortay ee Somalia ma garanaysaa, maya ayaan ugu jawaabay oo maan daawan Telefishanka, wuxuuna igu yidhi, saaxiibkay “waa Ninkii ku xidhay ee reer xamarka ahaa”  saaxiibkay wuxuu ogaa habeen habeenada ka mid ah waxa ii yimi laba nin oo aan mid garanayo, anigoo jooga geerashka, waxay igu yidhaahdeen gaadhi Abtigay  leeyahay, ayaa furihii iga lumay, kaalay noo talaal.
Cabdi Madhab, wuxuu sheegay in labadaa Nin geeyeen guri dhisme Fooq ah oo ku yaal kasoo horjeedka masjidka uu dhisay Ibraahin Dheere oo waqtigan Huteel  ah, waxa soconayay habeenkaa ciyaaro oo dadku ku cawaynayeen. sidaa awgeed ma jirin dhaqdhaqaaq badan iyo saxmad, waxay labadaa Nin ii geeyeen gaadhi fooqa hoostiisa yaal oo ay hore u fureen daaqadaha, waxan galay gaadhigii si kalsooni leh, cabaar ka dibna waan talaalay oo waan istaadhay gaadhigii markii aan jebiyay kaashadii furaha. laakiin waxa iga xidhmay isteerinka gaadhiga. anigoo doonaya inaan ka saaro ciladaa, ayaa waxa gacantu  igaga dhacay hoonka, waxan sii watay hawshaydii balse waxa aan qadar yar kadib maqlay dhawaaq dheer oo iga sareeyay oo ku dhawaaqaya, “Waa kuma, waa kuma” waxaan  si kalsooni leh u idhi markaan arkay ninka guriga dushiisa igala hadlaya “waa anagee raali ahaada oo iska seexo” laakiin inyar ka dib waxaan arkay ninkii oo gaadhigii iigu soo galay oo gacanta ku sita bir, isagoo leh soo deg tuug ayaa tahay ee maxaa gaadhigayga kuu geeyeey”, wuxuu u yeedhay laba nin oo kale, waxan markaa arkay inay labadii nin ee gaadhiga sheegnayay aanay meesha joogin oo ay mar hore yaaceen.
Cabdi Madhab, wuxuu sheegay inay sadexdaa Nin gacanta ula tageen iyagoo u arkayay Tuug gaadhiga xadaya, isla markaana ay rumaysan waayeen doodiisa iyo sida uu ku yimi goobta uu yaalay gaadhigu, waxa markaa kadib uu Ninkaasi ka dalbaday gabdh gurigii uu kasoo degey ee Fooqa xadhig, kaas oo laygu xidhay laba duble, markaa ka dib ayaan qayliyay, waxaana goobta yimi askarta xabsiga dhexe oo dhawaaqayga maqashay, kuwaas oo yimi goobta, mana ay dhegeysan askartu doodayda, balse waxay qaateen oo keliya dhawaaqiisa ahaa wuxuu iga xaday gaadhiga oo waxa iga maqan lacag iyo alaab kale, waxayna markaa ka dib  ku qanciyeen ninkaa in haddii uu dacwad ka qabo sharciga la tiigsado ee aanu xaq u lahayn inuu sharciga gacantiisa ku fushado, waxaana sidaa laygu geeyay saldhiga dhexe ee Hargeysa, iyadoo askartii xabsiga ay i wadaan, isla markaana laygu eedaynayo inaan ahay Tuug xadayay gaadhigiisa, balse xaqiiqdu sidaa ka duwantahay.
Askarta Saldhiga dhexe waxba ima weydiin ee waxay igu tuureen qolka maxaabiista lagu raseeyay, waxaana halkaa ku jiray mudo sadex maalmood iyo sadex habeen ah.
Hase yeeshee wuxuu sheegay inay markaa ka dib maqleen inaan xidhan ahay masuuliyiinta geerashka ee aan la shaqaynayay. Saxardiid Maygaag Cali oo ka mid ah maamulka geerashka, ayaa u sheegay weriyaha ka socday shebekada araweelonews in markii ay ogaadeen arrintaa iyo tuugta xirfadoodu sarayso ee ninkaa farsamayaqaanka ah adeegsaday inay la kulmaan ninka gaadhiga laga jabsaday  oo sida uu Saxardiid sheegay ahaa Madaxweynaha Somalia loo doortay Xasan Sheekh Muumin, balse markaa aan wax xil ah hayn oo ahaa nin shicib ah. Saxardiid, isagoo ka hadlaya arrintaa iyo sidii ay wax u dhaceen, wuxuu yidhi, “markii aanu maqalay in la xidhay cabdi madhab, waxaan u tagnay anagoo koox geerashka ka socota Ninkaa, waxaan u sheegnay inuu soo daayo Inanka maadaama aanu isagu ahayn Tuug ee la khalday, isla markaana diyaar u yihiin in wixii gaadhiga ka xun ay u samaynayaan sidaana arrinta lagu dhameeyo mar haddii aanay dhibaato kale jirin. sadex jeer ayaanu ku nqonay inkasta oo uu naga diiday laakiin markii danbe wuu naga aqbalay, gaadhigiina nooma keenin oo markaa ayaa noogu danbaysay, waan yaabay markii aan telefishanka ka arkay Ninka loo doortay Madaxweynaha Somalia inuu yahay Ninkii aanu dhawrka maalmood ku noq-noqonaynay ee madaxa adkaa oo u muuqday Nin xidh-xidhan.”ayuu yidhi Saxardiid, wuxuuna mar la weydiiyay sida uu ku gartay inuu yahay Madaxweynaha cusub Ninkii ay arrintu shexmartay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “qof wax idin dhexmareen oo dhawr jeer aad wada hadasheen kaama khaldamayo waana hubaa inuu yahay Xasan ninkii aanu kulanay ee aanu lahayn inanka xidhan soo daa maadaama arrintu si khaldan u dhacday.
Sidoo kale Weriyaha la kulamay labadaa nin iyo shaqaalaha geerashka ee wax ka ogaa arrintaa ayaa sidoo kale la kulamay Huteelka Hana-qaad, kaas oo ay sheegtay Sahra Axmed oo maamulka Huteelka ka mid ah in aan dhismahu xiligaa ahayn Huteel sida ay maamulka Geerashka iyo cabdi madhaba  u sheegeen weriyaha in gurigu waqtigaa ahaa guri si caadi ah loo kiraysto guri ahaan, iyadoo wixii ka danbeeyay badhtamihii 2011, laga dhigay dhismahaa Fooq, balse ay xiligga qisada dhexmartay Cabdi-madhab iyo Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxauud ahayd 2010.

warbixin By, Carraale M. Jama

jamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *