Addi’s-Abba(Araweelo News Network)Madaxda wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, ayaa yeelanaya kulan deg-deg ah, kaas oo noqonaya

 

shirkii 27aad ee ay yeeshaan, isla markaana la iclaamiyay in 25 August 2014, lagu qabto caasimada Addis Ababa ee xarunta IGAD ee dalka Ethiopia.
Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ee DFI Ambassador Dina Mufti oo ujeedada shirka ku sheegay in uu yahay mid ku saabsan arrimaha Dalka Koonfurta Suudaan oo xaalad khatar collaadeed ka taagan tahay.

Shirka ayaa la filayaa in ay kasoo  qaybgalaan Raysal Wasaaraha Ethiopia Haile Desalegn oo haya xilka  Gudoomiyaha urur goboleedka IGAD, madaxda wadama urur goboleedka IGAD, Komishinka Midowga Afrika iyo wakiilo ka socda Qaramada Midoobay.Sidoo kale waxaa lafilayaa inay kasoo qayb galaan wakiilo kasocda Dalka China.

Waxa la filayaa in shirka oo socon doona maalinta beri oo keliya lagu soo bandhigo warbixinta gudida dhexdhexaadinta Suudaan, isla markaana laga soo saaro go’aamo lagu xoojiyo nabada iyo dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *