Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta badhasaab cusub u magacaabay Gobolka Oodweyne, ka  dib markii uu dhawaan

 

geeriyooday Alle ha u naxariistee  Guddoomiyihii hore  ee Oodweyne Marxuum-Maxamed Gahayr Xirsi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa  Badhasaabka  cusub ee Oodweyne u magacaabay , Yuusuf Ibraahim Geeddi, sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada C/llaahi  Maxamed  Daahir  (Cukuse), kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0174/10/2011 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne.
Madaxweynuhu :- Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda uu Gudoomiyuhu u leeyahay Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne,
Markuu la Tashaday:                 Madaxda ay khusayso. Markuu Ku Qancay:                  In uu buuxin karo, Aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan.
Wuxuu go’aansaday In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta 16.10.2011 uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo oo todobaadkii hore kasoo laabtay safar shaqo kormeer uu kusoo maray gobolada bariga Somaliland ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo saaro isku bedel dhinaca xukuumaddiisa ah, gaar ahaan badhasaabada gobolada oo qaarkood laysku bedelayo iyo sidoo kale xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Ha’yaddaha kale qaarkood.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn xaqiiqda isku bedelka masuuliyiintaa iyo inuu Madaxweyne Siilaanyo qaar ka mid ah golaha wasiiradu isku bedel ku samaynayo, hadana waxa jiray hadal hayn isa soo taraysay tan iyo markii uu Madaxweynu safarka ugu baxay goboladaa, iyadoo ay xogaha qaar sheegayaan in madaxweynuhu, isku bedelayo gebei ahaanba badhsaabada lixda gobol ee  waaweyn, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan in Badhasaabka gobolka Awdal la geynayo gobolka Sanaag, halka Badhasaabka  Sanaagna la filayo in loo bedelo Laascaanood. Sidoo kale Badhsaabka  Saaxil ayaa la filayaa in la geeyo Togdheer, halka Badhsaabka Togdheerna la filayo in la geeyo Saaxil, Badhsaabka Hargeysa  ayaa la filayaa in isaga la geeyo Saaxil, halka Badhsaabka gobolka Soolna la filayo in la geeyo Caasimada Hargeysa.  Laakiin talabaada isku bedelka noocaa ah ayaa si cad loo ogayn inuu Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqaaqayo, taas oo markii ay suurta galtahay inay noqoto mid si weyn bulshadu ugu riyaaqdo, isla markaana wax weyn ka bedelay qaabka beelaysan ee ilaa hada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo   lugta jiidaya, isla markaana diciifinaya nidaamkii iyo Haykalkii dawladnimo ee dhinaca maamulka oo la filayay inuu wax baddan ka guuro nidaanmkii somaliland  dib u dhaca u keenay ee beelaysiga  oo xukuumaddii uu xilka kala wareegay ee Daahir Rayaale kaahin ku burburisay nidaamkii korayay ee dumuqraadiyada iyo maamulka dawliga ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *