Hargeysa(ANN)Urur-siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo ururka dhallinyarada iyo shaqaalaha (RAYS), ayaa maanta lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin

ka tirsan xisbiyada hore u jiray, salaadiin, aqoonyahan, dhallinyaro iyo haween, waxay hormoodka ku dhawaaqay sheegeen in ururkoodu xoogga saaray arrimaha dhallinyarada iyo dadka shaqaalaha ah oo inta badan la ilaawo.

Gudoomiyaha ururka cusub ee RAYS Mr. Xasan Maxmed Cali (Gaafaadhi) oo ah nin aan hore u soo dhexgelin siyaasadda, mansabyo dawladeedna aan hore u soo qaban, ayaa hadal uu xafladaasi ka jeediyey ku sheegay in mabaadida ururkoodu yihiin kuwo si buuxda u taageerayo madaxbannaanida iyo qawaaniinta diinta islaamku ugu horreyso ee u degsan Somaliland.
“Ururka RAYS waxa uu guud ahaan u taagan yahay meel ay ku kulmaan aqoonyahanka, isla markaana waxa uu si baaxad leh u taageeryaa dhalinayrada iyo shaqaalaha, kuwaas oo ah laf-dhabarta bulshada, waxa  uu ururku aaminsan tahay in haddii qaybahaasi doorkooda la wanaajiyo ay wax weyn ka beddeli doonto hannaanka dalka. Waxa  kale oo aan ballanqaadayaa inuu si buuxda u taaageerayo haweenka iyo  hirgelinta aqoonta ay habluhu u  baahan yihiin. Ururka RAYS waa meel ay dhallinayradu ku tababar qaadato si ay ugu tababartaan siyaasadda, una gaadhaan fursadaha  hoggaamineed ee dalka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka RAYS.
Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ururrada siyaasaddu kobcinayaan dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana uu isagu weligiiba taageersanaa furistooda.
Cali Guray waxa uu tilmaan ka bixiyey hab-dhaqanka ay ku salaysan tahay siyaasadda Somaliland, isagoo sheegay inay leedahay laba dugsi oo aad u kala fog oo laga barto.
“Siyaasaddu laba dugsi ayey leedahay, dugsiga ugu da’da weyn ee ugu tirada badan ee siyaasiinteenu ugu badanyihiin waa dugsiga aragtidiisu ay ka dhaqaaqdo oo leh ‘siyaasaddu waa been iyo khiyaamo,’ waxa dugsiyaasi idinku dhiirigelin doonaa inaad beenalayaal noqotaan oo aad khiyaamada barataan si aad siyaasiyiin fiican u noqotaan, waana dugsi si degdeg ah looga qallinjebin karo. Waxa loo kala siyaasisan yahay sida loo kala been iyo khiyaamo badan yahay,” ayuu yidhi Cali Guray, waxaannu intaa ku daray, “Dugsiga kale ma dad badna wuu dhib badan yahay, wuu eedo iyo xannuun badan yahay, waa dugsiga ka dhaqaaqaya in siyaasaddu tahay run, dan iyo hoggaamin, dugsigaasi siyaasiga ka soo baxa waxa la yidhaa hoggaamiye, dugsigaasina waa la wada daatay oo cidi ka bixi wayday.”
Dr. Axmed Xuseen Ciise oo xafladaa ka hadlay, ayaa isna xusay in siyaasadda Somaliland tahay mid xin iyo xumaan badan oo dadka lagu aflagaadeeyo wax aan la hubin, waxaannu kula dardaarmay dhallinyarada ururka samaysatay inay ka midho-dhaliyaan damacooda.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Xildbhibaan Axmed Dirir Cali oo ka tirsan Golaha Guurtiada, Ganacsade Xasan Bulbul, Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi iyo Suldaan Carab, kuwaasi oo dhammaantood soo dhaweeyey ururka cusub ee RAYS, kaas oo la filayo inuu ka mid noqdo ururada u tartamaya xisbiyada marka la gaadho doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *