Hargeysa(ANN)Golaha wakiilada Somaliland ayaa la soo hordhigay laba xeer oo si weyn loo danaynayay qabyo tirkooda iyo meel marintooda. Kadib markii fadhigii shalay ee golahaa ay  Xildhibaano ka tirsan aqalka wakiiladu  horkeeneen  laba mooshin oo ku saabsan wax ka bedel iyo kaabis

lagu sameeyo xeerka doorashada golayaasha deegaanka oo Madaxweyne Siilaanyo usoo gudbiyay si wax looga qabto qodob ka mid ah xeerkaa oo si weyn ay dhalinyarda Somaliland ee danaynaya inay ka qaybqaataan siyaasadu u arkayeen inuu carqalad ku yahay.
Sidoo kale mooshin ku saabsan meelmarinta xeerka Bangiga Dhexe oo mudo dheer hada gacanta ugu jiray gudida dhaqaallaha ee golaha wakiilada ayaa isagana la horkeenay golaha, iyadoo mudanayaasha mooshinka lagu dalbanayo meelmarintiisa farta ku fiiqeen baahida dalku u qabo xeerkaa. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay inuu goluhu is dhaafiyo xeerkaa.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland  C/raxmaan Maxamed C/llaahi  (C/raxmaan Cirro), oo fadhigaa gudoominayay ayaa  Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista xeer no 20/2002, sheegay inay shirgudoonka usoo gudbiyeen si golaha  loo hordhigo  25 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada, kuwaas oo sida uu sheegay dalbanaya in la meel mariyo xeerkaa.
Hase yeeshee Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa oo ku hadlayay magaca xildhibaanada mooshinkaa dabada ka riixaya ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha ay u cuskanayaan in wax ka bedel iyo kaabisba lagu sameeyo xeerkan, waxa uu ugu horayn xildhibaankani u soo jeediyay Komishanka Doorashooyinka Qaranku in marka ay dhacayso doorashada deegaanka ay u diyaariyaan musharixiinta loo xulay inay ku tartamaan tirada kuraasida loo xadiday iyadoo musharax kasta oo ka mid ahna la siinayo astaan u gaar ah.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa waxaa kale oo uu ku dooday inay daruuri tahay sidii wax ka bedel loogu samayn lahaa qodobka 33aad  ee xeerkan oo qofka isu soo taagaya doorashada golayaasha deegaanka ku xadiday inaanu ka yaraan 35 jir , isagoo taas bedelkeeda ku sheegay inay soo jeedinayaan inaanu qofka doorashada deegaanka ka qayb galayaa ka yaraan 25 jir sannadka ay doorashadu qabsoomayso. Wuxuuna cadeeyay in la gaadhay da’dii ay dhalinyarada Somaliland kaga qayb gali lahaayeen saaxada siyaasada. Sidaa awgeed loo baahanyahay in meesha laga saaro qodobada ka hor istaagaya dhalinyarada inay ka qaybgalaan Siyaasada.
Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi  oo ku hadlayay magaca mudanayaasha ku saxeexan mooshinka ku saabsan xeerka bangiga dhexe ayaa sheegay in xeerkani uu dalku u xaniban yahay,  isla markaana uu mudo badan ku jiray gacanta gudida dhaqaalaha ee golaha wakiilada, sidoo  kale waxa uu  ku dooday in baahi weyn loo qabo sidii uu xeerkani uga gudbi lahaa golaha wakiilada.
Gebagebadii fadhigaa ayaa Gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi “Cirro” waxa uu mudanayaasha ku wargaliyay inay gudo gali doonaan dooda mooshinadan maalmaha soo socda, si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan.
Dhinaca kale xeerka L/r 20 ee doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa mudooyinkii u danbeeyay si weyn ugu soo noqnonayay saaxada kadib markii ay dhalinyarada danaynaya inay ka qaybgalaan siyaasada iyo maamulka dalku ku doodeen in xeerkaa wax laga bedelo qodob ay ku tilmaameen inuu carqalad ku yahay inay helaan fursad ay siyaasada kaga qaybqaataan, waxayna kooxo dhalinayaro ah oo doonayay in qodobkaa oo ah da’ada hoos loo dhigo, taas oo ay kulan kala yeesheen madaxweynaha si uu xeerkaa ugu celiyo golayaasha baarlamaanka ka hor inta aan la gaadhin xiliga doorashada fooda inagu soo haysa. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *