Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magcaabay guddi soo baadha sababtii ay kooxdii hubaysnayd ee kasoo degey xeebta galbeedka Somaliland ee gobolka Awdal ugu suurta gashay inay kasoo degaan halkaa oo ay ka talaabaan xuduuda Somaliland. Sidaana

 waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay qasriga madaxtooyada, kaas oo u dhignaa sidan;-   “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Magacaabay Guddi Todoba Xubnood ka kooban oo uu u xilsaaray Xaqiiqo raadinta iyo ka soo talo Bixinta Dhacdadan ugu danbaysay ee Aaga Galbeed ee dalka.
Guddidan oo uu madax ka yahay Wasiirka Gaashaan Dhiga Axmed Xaaji  Cali Cadami, waxa uu Madaxweynuhu faray in ay sida ugu dhakhsaha badan u gudo galaan hawsha ay u xilsaaran yihin oo ah inay xaqiiqo rasmiya ka keenaan sida ay ku timid kana dhacdadan ugu danbaysay ee aaga Galbeedku,kana soo talo bxiyaan”.ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.

Gudida ayaa isla maanta gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Booraame, waxayna wararku sheegayaan inay hawshooda subaxnimada bilaabayaan, isla markaana wixii ay ku ogaadaan baadhitaankaa usoo gudbinayaan Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale wararka ka imanaya gobolka Awdal  ayaa sheegaya inay dadka deegaanku ka cabsi qabaan inay qaar ka mid ah malayshiyadii usoo firxadaan dhinaca xadka Somaliland, iyadoo ay wararkii ugu danbeeyay ee shebekada araweelonews halkaa ka heshay sheegayeen in qaar ka mid ah dhaawaca kooxdaa la keenay deegaanka Qolujeed oo saaran xuduuda Ethopia,  taas oo keentay in cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka loo diro halkaa, waxaana jira cabsi ay dadka deegaanku ka qabaan inay kooxdaa firxadkoodu soo galaan Qolujeed.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in qayb ka mid ah malayshiyadaa oo xalay ciidamada Ethopia ku heeraysnaayeen ay ka baxsadeen, kuwaas oo warar dhinaca deegaanka Kilika shanaad laga helay u xaqiijiyeen shebekada araweelonews inay kooxdaa oo gaadhaya ilaa boqol Nin u talaabeen dhinaca Kilika shanaad, balse ay ciidamada Ethopia gacanta ku dhigeen in ka badan sodoneeyo, iyadoo ay dileen ilaa tiro dhawr iyo konton ah, isla markaana qaybo ka mid ah kooxdaa oo ay dadka deegaanka jigjiga qabteen shalay qaarkood la sii daayay ka hor intii aan lagu wareejin maamulka Kilika Shanaad oo isagu sheegay xalay inay dileen in ka badan 100 ka mid ah malayshiyada, tiro kale oo ilaa boqol gaadhayna lagu hareeraysan yahay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen qaar badan oo ka mid ahaa malayshiyadaa oo is dhiibay sida uu sheegay Madaxweynaha ismaamulka soomalida ee Kilika Shanaad.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *