Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu  kulan casuumad ah ku qaabilo mudanayaasha golaha guurtida Somaliland maalinta beri ee 16, Sep 2010, kulankaa oo aan la shaacin ayaa la qorshaynayaa inuu ka dhaco huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Sidaana

waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay warar ku dhow dhow madaxtooyada iyo Aqalka golaha guurtida.
Kulankaa oo noqonaya kii u horeeyay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo la yeesho golaha guurtida tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacaday 26, Jun, 2010,  ayaa  la filayaa inay ujeedadiisu tahay sidii uu Madaxweyne Siilaanyo uga dhaadhicin lahaa golaha guurtida inay wax ka bedelaan go,aankii mudo kordhinta ee golayasha Wakiiladda, Deegaanka iyo golohooda ee ay dhowaan soo saareen, taas oo uu Madaxweynuhu sheegay inay guurtidu la deg degeen go,aanka, isla markaana qoraalka uu u gudbiyay ku doonayay inay arinta kala tashadaan xisbiyada qaranka iyo komishanka ka dibna soo saaran mudo kooban oo laysla ogolyahay.

Iyadoo go,aankaa ay ku gacan saydheen sadexda xisbi qaran iyo komishanku, kuwaas oo iyaguna dhinacooda soo saaray todobaadkii hore  maalin ka dib markii Aqalka Odayaasha ee guurtidu soo saareen mudo kordhintaa golayaasha, balse shirgudoonka golaha guurtida ayaa ku hanjabay iyaguna in aanay ka laabanayn go,aankooda, isla markaana meesha ka saaray heshiiska sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranka.

Dhinaca   kale Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay yeeshay kulan lagaga wada hadlay sidii dib loo eegi lahaa muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay todobaadkii hore golaha wakiilada,  Golayaasha deegaanka iyo mudada golohooda.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure ayaa sheegay in arintan si guud looga wada hadli doono, isla markaana uu rajaynayo in  meel la isla dhigo xalkeeda.

Sheekh Furre oo maanta warbaahinta ugu waramay xarunta Golaha Wakiilada oo kulanka ka dhacay ayaa sidoo kale sheegay in komiishanka doorashooyinku safar shaqo u tegayaan Magaalada Nayroobi, safarkaa oo sida uu sheegay ujeedadiisu tahay inay wada tashi la soo yeeshaan taageerayaasha dhinaca dhaqaalaha ee doorashooyinka Somaliland, isla markaana  laysula qiyaaso  mudada ugu haboon ee doorashooyinka muranka hadda ka taagan yahay lagu qaban karo, kuwaas oo kharashkii lagu qaban lahaa ku laalan yahay dawladaha dhinaca doorashooyinka ka taageera Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxa suurta gal ah in kulanka Madaxweynaha iyo mudanayaasha Aqalka guurtidu noqdo mid fure u noqda in xaalada muranka mudo kordhinta laysla meel dhigo, isla markaana la helo jawi deganaansho iyo mudo macquul ah oo doorashooyin lagu qaban karo oo heshiis lagu yahay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *