Muqdisho(ANN) Madaxweynaha dawlada Somalia Sheekh Shariif Axmed ayaa qudbad uu maanta ka jeediyay Baarlamaanka dawladiisa taagta daran ee muranka iyo dagaaladu  hadheeyeen ka jeediyay ku sheegay  sida ay lagama maarmaanka u tahay in  isbedel lagu sameeyo dawladiisa.

 

Sh. Shariif oo ka hadlayay kulankaa oo ka dhacay magaalada muqdisho ayaa carabka ku dhiftay  arrimaha khilaafka ee mudooyinkii u danbeeyay u dhexeeyay isaga iyo raysal wasaarihiisa, taas oo uu ka codsaday baarlamaanka in sharciga lagu dabakho arrimaha khilaafka siyaasadeed oo ay mariyaan halkii ay mariyeen khilaafkii Baarlamaanka, maadaama ay xaaladu maalinba maalinta ka danbaysa kasii darayso ayuu yidhi. Sidoo kale wuxuu ka hadlay  Dastuurka cusub ee loo wado dawlada Somalia, kaas oo uu  ku tilmaamay in aanu ahayn mid sharci ah, maadaama aanu baarlamaanku ansixin gudida soo diyaarisay,  wuxuuna ka codsaday beesha Caalamka inay fursad u siiyaan inay arrimhooda gudaha ku xaliyaan oo ku taageeraan si loo gaadho horumar.
Kulnka Baarlamaanka oo ay kasoo qaybgaleen  xildhibaano tiradoodu gaadhay 300, sida uu saxaafada u sheegay Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka oo ah ku simaha gudoomiyaha  oo fadhigaa gudoominayay, waxaana marka laga yimaado qudbada sheekh Shariif kulankaa lagu soo bandhigay Mooshin ka dhan ah xukuumada raysal wasaaraha oo ay ku saxeexan yihiin in ka badan 100 xildhibaan, kaas oo ujeedadiisu ahayd in codka kalsoonida loo qaado dawlada.
Dhinaca kale waxa kulnkaa laga akhriyay warqad qoraal ah oo uu soo qoray raysal wasaaraha dawlada Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, taas oo nuxurkeedu ahaa in aanay Baarlamaanku xaq u lahayn inay u yeedhaan waqtigan dawladiisa, taas oo sida lagu sheegay  qoraalka aan waafaqasanay heshiiskii lagu soo dhisay dawlada. Sidoo kale Khaalid Cumar Cali oo ah wasiir dawlaha xafiiska raysal wasaaraha ayaa sheegay inaanu mooshinka la horgeeyay Baarlamaanku ahayn mid sharciga waafaqsan.
Dhinaca kale kooxaha Al-shabaab ayaa ugu baaqay dadka meelaha ay ka taliyaan inay mudaharaadyo lagu canbaaraynayo baadarigii dhowaan ku sheegay  inuu gubayo Kitaabka Quraanka kariimka ah ku canbaareeyaan, waxayna banaanbaxyo ay arrintaa kaga soo hor jeedaan ka sameeyeen magaalada muqdisho iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin gobolada dhexe ee Somalia oo ay ka taliyaan.
Iyadoo mudaharaadyada lagu gubay calanka maraykanka iyo ka Israel ee ay ka sameeyeen maanta Muqdisho iyo meelo kale oo Somalia ah ayaa kusoo beegmay, dhawr  maalmood ka dib maalintii uu qorshaystay baadarigu inuu gubo Kitaabka, kaas ugu danbayntii ka noqday qorshihii uu doonayay inuu ku gubo Kitaabka Quraanka kariimka. Kadib markii cadaadis badani kaga yimi dawlada Maraykanka iyo shucuubta Islaamka oo ka muujiyay dareen cadho ah, isla markaana ku hanjabay inay talaabooyin jawaab u ah arrintaa qaadayaan, waxaana loo arkaa banaanbaxyada waqtigan ee kooxda Al-shabaab ku baaqeen kuwo ay doonayeen inay ku muujiyaan awoodooda iyo meelaha ay ka taliyaan, maadaama xiisadii ka taagnayd hadalka Baadarigu dhamaatay. Kadib markii uu ka laabtay qorshihiisii.
Si kastaba ha ahaatee  Dawlada KMGD ah  oo  ay horeba u wiiqeen dagaalo kooxaha kasoo horjeeda ayaa mudooyinkii u danbeeyay dagaalo muranka iyo khilaafka u dhexeeya dawlada ku meelgaadhka ah ayaa  sii xoogaystay  maalmihii u danbeeyay, iyadoo uu khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaarihiisa u dhexeeyaa hada dhexgalay Baarlamaanka, waxaana jira dedaalo ay beesha caalamku wado oo ay ku doonayaan in la dhexedhexaadiyo labada dhinac, balse rajada laga qabo arrintaa ayaa ah mid aad u liidata. Iyadoo xiligan khilaafka u dhexeeya dawlada KMG ee taagta daran uu cirka isku shareeray, kaas oo hada Baarlamaanka horyaal, balse aanay muuqan astaamo muujinaya in xal laga gaadhayo.   

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *